Al shabaab oo Labo qof ku toogatey Fagaaro ku yaalla Jamaame

Image

JAMAAME, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa saaka fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ku toogatay labo ruux oo ay ku eedaysay inay la shaqeynayeen Sirdoonka maamulka Jubbaland.

Xukunka dilka ah waxaa lagu fuliyay Ibraahim Abuukar Farxaan oo  27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo isna 26 sano jir. Dadweyne aad u tiro badan, ooo isagu jiray Rag, Haween iyo Carruur ayaa usoo daawasho tagey dilka toogashada ah.

Rag hubaysan oo katirsan Al shabaab, oo wajiga duubtay ayaa labada eedaysane ku toogtey fagaaraha degmada Jamaame, ee gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo kamid ah goobaha ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada xiriirka la leh Al Qaacida.

Maxkamada Al shabaab ee Jamaame ayaa riday xukunka dilka ah, iyadoo aysan jirin wax qareen ah oo u dooday eedaysaniyaasha la toogtay, oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka Beeralayda ah, ee ku dhaqan Jamaame.

Al shabaab ayaa inta badan xukun dil ah ku fulisa dadka ay u aragto inay kasoo horjeedaan fekerkeeda iyo dagaalka ay kawado Somalia, iyadoo xukunada dilalka ah ay inta badan ka dhacaan meelaha ay ka maamusho dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM