Axmed Madoobe oo ka horyimid in Aamus iyo Maro Cas lagu baroor-diiqo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa si kulul ula hadlay madaxdii ka qayb gashay shirkii maanta ka furmay Muqdisho ee looga hadlay xaaladda amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Axmed Madoobe ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay naqdin iyo diidmo uu ka muujiyay qaabka looga fal celiyay dhacdooyinkii is-xigay ee ka dhacay Zoobe iyo hotel Naaso-hablood kuwaasoo lagu xasuuqay dad shacab ah.

Wuxuu tilmaamay in diinta Islaamka aysan meelna kasoo galin in maro cas madaxa ama gacanta lagu xirto iyo in daqiiqado loo aamuso isagoo taas ku fasiray inay tahay dhaqan faafinta dhaqan aan haboonayn oo kor usii qaadaya weerarada kooxda Al Shabaab.

Hadalkan ayuu kusoo beegmay xilli uu goobta uu fadhiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gacanta midig ku xirtay maro cas.

Axmed Madoobe ayaa soo jeediyay hadii la doonayo in la baroor diiqo in qoraxda la istaago iyadoo aan aamus iyo maro cas midna la isticmaalayn, wuxuuna ku baaqay in xasuuqa Al Shabaab ficil looga jawaabo.

Culimada, shacabka iyo ciidamada oo la howlgaliyo ayuu sheegay inay tahay wadiiqada kaliya ee looga guulaysan karo kooxda Al Shabaab, hadii aanse taas la samayn karin qorshaha la wado uu yahay riyo iyo maala yacni.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in madaxdan halkan fadhidaa ay xukunto hawo oo kaliya dhulkiina ay haystaa Al Shabaab, taasina ay tahay waxaan loo dul qaadan karin, wuxuuna ku baaqay in la sameeyo tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo xaalada amni ee dalka Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay shirkii madasha lagu aas-aasay ee ka dhacay Kismaayo, wuxuu sheegay inaysan ahayn sida loo turjumay, balse ujeedkooda ahayd inay tashadaan oo dalkan xaaladiisa ka shiraan.

Axmed Madoobe wuxuu ku celiyay inaysan duulaan ku ahayn dowladda dhexe, balse ay tahay dowladii ay doorteen, ixtiraam u hayaan, balse ay raadinayaan sidii ay u xallin lahaayeen wixii ay ka gaabisay xukuumadda dhexe.

Ugu dambayn wuxuu madaxda talada haysa ugu baaqay inay maanta ka faa'iidaystaan fursada ay haystaan oo taariikhda gashadaan wax-qabad fiican.

Hadalka Madoobe ayaa qayb ka ahaa kuwo ay jeediyeen madaxda maamul goboleedyada iyo hogaanka ugu sareey dalka Soomaaliya, kuwasoo dhammaantood diirada lagu saaray dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM