Axmed Madoobe: Somalia ma ahan dal qof iyo laba xukumi karaan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Aqalka martida ee maamulka Jubbaland, oo ku yaala magaaladda Kismaayo ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay saacaddo kahor Shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda xubinta ka ah dowladda Federaalka.

Madaxwayneyaasha maamuladda, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ayaa xaadir ku ah shirkaan, kaasoo la filayo in diiradda lagu saari doono qodobo dhowr ah, kuwaasoo isugu jira siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Shalay oo Isniin ah ayuu qorshuhu ahaa inuu furmo shirka, laakiin dib udhac ayaa ku yimid, taasoo lagu sababeeyay arrimo farsamo iyo Wafuudo qaar ee ka qaybgalaya shirka oo kasoo dib dhacay waqtigii loo mudeeyay inuu shirka furmo.

Lama hubo waqtiga lasoo gabagabeyn doono shirka, maadaama horey Jawadka uu soo saarey Gudoonka Madasha Iskaashiga maamul goboleedyadda lagu sheegay in lasoo xiri doono 10-ka bishaan, lamana oga waxa laga yeelao halka maalin ee dib udhacday.

- Khudbadaha furitaanka -

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo qaatay khudbaddii ugu horeysay ee shirka ayaa wuxuu dhaliil kala dul-dhacay dowladda Federaalka, isaga oo ku eedeeyay in aysan ka shaqayneen danaha maamuladda.

Madoobe ayaa farta ku fiiqay madaxda dowladda Federaalka oo uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay mar kale dib ugu soo laaban lahaayeen Kursiga, taasoo uu ku sifeeyay "kaligii-talisnimo", wuxuuna meesha ka saarey inay kasoo horjeedaan.

"Soomaaliya waa ka duwan tahay Dal Qof iyo laba xukumi karaan," ayuuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe, oo khilaaf ba'an kala dhaxeeya xilliga Villa Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxwaynaha Puntland, ahna Gudoomiyaha Madasha Iskaashiga maamul goboleedyadda, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa shaaca ka qaaday in ahmiyadda shirkaan uu yahay inay ku lafa guraan danaha maamuladda iyo midka dowladda Federaalka.

Dhankiisa, Madaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo isana Kalimo kooban ka jeediyay madasha ayaa afka ku balaariyay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Danta Umadda Soomaaliyeed, isaga oo carabka ku dhuftay inay taasi tahay ujeedada ay shirka u qaybtaan.

Madaxwayneyaasha Galmudug, iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Aadan, iyo Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] oo dhankooda halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka dalka ku tiigsaday, iyaga oo shaaca ka qaaday inay xoojin doonan midnimada Qaranka.

Ugu dambeyn, Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Micheal Keating, kaasoo kulanka xaadir ku ahaa ayaa wuxuu tibaaxay in mar walba UN-ka ay ka shaqayn doonto sidii layskugu soo dhawayn lahaa maamulada iyo dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM