Baaritaan lagu hayo kiiska Gabdho u dhintay Gudniinka Fircooniga [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo gabdhood oo walaalo ah, oo lagu kala magacaabi jiray Aasiyo iyo Khadiijo Faarax Cabdi Warsame ayaa u dhintay dhiig-bax kadib markii lagu sameeyay Gudniinka Fircooniga ah.

Aasiyo iyo Khadiijo oo ay dhexdoodu kala tahay, 10 iyo 11 sano jir, ayaa geeriyooday iyaga Jidka ku jira, islamarkaana qaar kamid ah xubnaha qoyskooda ay usii wadaan xarun caafimaad oo ku taala magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Gabdhaan ayaa ku noolaa degaan lagu magacaabo Arawda oo ku yaalla waqoyga degmada Galdogob ee gobolka Mudug, bartamaha dalka Soomaaliya.

Xaawa Aadan Maxamed oo ah shaqsi u olaleeya la dagaalanka Gudniinka Fircooniga ah ayaa u sheegtay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah, in kiiska labaddaan Gabdhood ay la socdeen, islamarkaana baaritaan lagu sameynayo.

Gudniinka Fircooniga ayaa waxaa uu ka yahay degaanadda Puntland mid farsamo ahaan macnuuc ah, waxaana dhowaan sharci dejiyaasha maamulka umeel-mariyeen in aanan laga fulin fal noocaan ah dhulka hoos-yimaada dowlad goboleedkan.

"Haa, Gudniinka Fircooniga waa mid mamnuuc ka ah degaanada Puntland, balse, baaris ayaa socota, waxaana dooneynaa inaan soo gudbino natiijadda kasoo baxda baaritaanka," ayey hadalkeeda kusii dartay Xaawa Aadan Maxamed.

Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gabdhaha, ayaa wajahaya sanadihii udambeeyay dhibaatooyin kala duwan oo Gudniinka Fircooniga ah, xili la rumeysan yahay in 98% Dumarka la marsiiyo Gudniinka Fircooniga ah, taasoo ka dhigan in 2% aysan ahayn.

Geerida gabdhaha walaalaha ah ayaa kusoo aadeya xili dhowaan Xeer-illaalinta dalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday olale ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah, ayna sharciga horgayn doonto cid walba oo lagu helo caddeymo muujinaya inay ku leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM