"Barakac bilowday" xili ciidanka DF ay qabsadeen xarumo ku yaala Guriceel

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa "qabsaday" xarumo ku yaala magaaladda Guriceel kadib iska hor-imaad fiidnimadii Sabtida ka dhacay halkaas.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in la wareegitaanka ay timid markii ay baneeyeen ciidanka Alu Sunna. Meelaha "muhiimka ah" ee ay qabsadeen waxaa kamid ah saldhiga ammaanka degmadda.

Is-rasaaseyn oo daqiiqado socotay ayaa timid markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, uu halkaas tegay galabnimadii Sabtida lana hadlay dadweynaha.

Cabdullaahi Maxamed Barre, gudoomiyaha Guriceel ee Ahlu Sunna, ayaa ku eedeeyay wasiirka in uusan kusoo wargelin socdaalkiisa iyo ujeedka uu damacsan yahay maadaama xiisad ay jirto.

"Wasiirka wuu imaan karaan Guriceel waa hoygiisii," ayuu yiri. "Laakiin annaga madax ka sareysa ayaan amar ka qaadanaa. Xaaladda magaaladana haatan waa mid degan," ayuu ku daray.

Kadib isku dhac dhowr daqiiqadood socday, ciidamadda dowladda federaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaaladda Matabaan, halkaas oo ay ka saareen Ahlu Sunna.

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo hagaagaya xili ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee xukuumadda iyo Ahlu Sunna, taas oo ku saabsan maamulka doorashooyinka iyo xulista Xildhibaanada Galmudug.

"Qax ayaa ka bilowday magaaladda," ayuu xusay. "Dadka waxaan isku dayeynaa in aan joojino," ayuu tibaaxay, isaga oo caddeeyay in dadweynuhu ka cabsi qabo in magaaladda martigeliso dagaal.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in Ahlu Sunna dooneyso in ay baarlamaanka cusub ka hesho 35 Xildhibaan, qorshahaas oo ay kasoo horjeedaan beelaha qaar ee Galmudug wallow xukuumada u balanqaadey.

Mr Sabriye ayaa 31-kii October ee sanadkan 2019 ka dhawaajiyay in marxalada ay haatan ku jirto Galmudug tahay "meesha ay ka guntami doonto" guusha ama guuldaradda dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM