Baydhabo oo aad looga hadal-hayo Khudbad jeedinta Lafta-gareen

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inay soo gabagabeeyeen dhageysiga khudbadaha Murashaxiinta u tartameya kursiga Madaxweynaha dowlad goboleedkaan.

Labo musharax ayaa maanta ku qornaa Jadwalka dhageysiga hadal-jeedinta, kuwaasi oo kala ahaa; Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] iyo Sayid Axmed Sheekh Ibraahim oo la hadlay Xildhibaanadda Gollaha Wakiiladda.

Dhageysigii maanta ayaa ka duwanaa kii shalay, iyadoo la baarey hoolka Baarlamaanka iyo Dadkii ku sugnaa oo isagu jiray Xildhibaano iyo marti-sharaf kale, kahor inta uusan soo galin Musharax Lafta-Gareen, oo ilaaladiisa iska hor-mariyay.

Amniga magaaladda ayaa si ka adag siddii Axadii loo sugayay, waxaana lagu arkayay Jidadka ciidamadda oo baaraya shacabka doonaya inay mareen wadooyinka soo galaya halka ay ka dhaceyso munaasabadda.

Lafta-gareen oo kamid ah musharixiinta taageeradda ka haysta Villa Somalia ayaa iska-casiley xilka Xildhibaan kamid ah Gollaha Shacabka iyo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta ee xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre.

Ibraahim ayaa dhinaciisa waxa uu horey usoo noqday Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiyay wadanka Uganda inkasta oo sanadihii ugu dambeeyay uusan saaxada siyaasadda kasoo muuqan.

Shan musharax ayaa hataan u taagan qabashada Jagadda Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, waxaana laga saarey Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo dowladda Soomaaliya maxbuus ah ugu ah Muqdisho.

Doorashada KG ayaa loo balansan yahay inay qabsoonto 19-ka bishaan, oo labo maalmood naga xiga, waxaana jira baaqyo kasoo yeeray Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Mas'uuliyiin kale oo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka kamid yahay oo kuu baaqey in dib loo dhigo.

Waxay sheegeen in xaaladda hadda ka taagan Baydhabo aysan ahayn mid lagu qaban karo doorasho xor iyo xalaal ah, maadaama ay rabashado dhiig ku daatey ay dhaceen, islamarkaana ay socoto faragelinta dowladda Federaalka.

Hubanti la'aanta dhanka qabsoomida doorashada ayaa ka jirta Baydhabo, iyadoo Xildhibaanada codeynaya qaarkood dhawaan la geeyay Muqdisho oo mudo maalmo ah la dejiyay hoteello, kadibna dib loogu celiyay magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM