Biyaha Roobka oo buux dhaafiyay wadooyinka Magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Roobab xooggan ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana dhashay in ay xirmaan waddooyinka muhiimka ah iyo in biyaha roobka ay gudaha u galaan guryaha.

Muuqaalo la soo galiyay Baraha Bulshada ayaa muujinayay sare u kaca heerka biyaha qaar ka mid ah waddooyinka, iyadoo dadka qaarna ay bilaabeen inay ku dabaashaan biyahaas.

Biyaha roobka ayaa sidoo kale gudaha u galay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana ay sababeen in gabi ahaanba la xiro qeybo ka mid ah garoonka.

Roobabkan ayaa laga cabsi qabaa in uu halis geliyaan shacabka ku nool caasimadda, maadaama dadka deegaanka aysan u dulqaadan karin fatahaado saameeya ganacsigooda iyo noloshooda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay inuu biyaha ka saaro waddooyinka xiran ee Daalo, Soddon-ka, iyo wadada isku xirta Bakaaraha ilaa dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM