Cabdi Xaashi oo dhaliilay Warqad kasoo baxday Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Isagoo ka hadlayay Kulankii maant ee Gollaha Aqalka Sare ayaa sheegay in qoraalkii xalay oo sabti ahayd kasoo baxay Villa Somalia aanu qorin Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana lagu kalsoonaan karin.

Warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa casuumaad loogu diray madaxda maamullada, oo loogu baaqey inay kasoo qeyb-galaan shir ka dhacaya Muqdisho oo khilaafka ka jira dalka looga hadlayo.

"Warqaddu waa mid qof saddexaad qorey, Madaxweynihii ma hadlayo, hadii aad akhrideen warqadda, waa Warqadda Madaxweynihii ayaa sidaasi yiri la leeyahy, haddana ma lahan baratakool iyo wax saxiix ah," ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in aan lagu kalsoonaan karin warqaddaasi, marka la eego qaabka ay u qornayd iyo qoraalkeeda, oo uu sheegay inaysan lahayn shuruudihii looga baahnaa warqad xafiis Madaxweyne ku soo baxday.

Cabdi Xaashi ayaa xusay in dhincyada Khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada inaysan wali ka tanaasulin inay aqoonsadaan islamarkaana aysan xushmeyneynin howsha dhex-dhexaadinta ee uu wado Aqalka Sare.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xilli dowlad goboleedyada laga sugayo jawaab iyo inay soo magacabaan wasiiradda ku matalaya xelinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo Villa Somalia.

Xukuumadda Federaalka ayaa todobaadkii tagey soo magacawday gudi afar wasiir ka kooban, oo Aqalka Sare kala shaqeeya arrimaha dhex-dhexaadinta iyo xalinta is-mariwaagga taagan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

"Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya,sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan,sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay''.


RAALIGELIN: Akhristiyaasheena sharafta leh waxaan ka raali gelinaynaa qoraal hore oo si qalad ah u dhacay, kaasoo ahaa in Cabdi Xaashi uu ku eedeeyay in Farmaajo iyo Axmed Madoobe diidan yihiin xal u helida Khilaafka dalka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM