Cabsida laga qabo in ay "isu gacan-qaadaan" DF iyo Jubaland oo korodhay

Image

KISMAAYO, Jubaland – Warar dheeri ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad dhexmaray ciidamadda Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ka dhacay magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay warbaahinta in is-rasaaseynta ay timid markii cutubyada Jubaland ay soo galeen gudaha magaaladda.

Askarta oo ka timid duleedka ayaa la xusay in ay daacad u yihiin Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland oo ku sugan banaanka Buula Xaawo oo ka tirsan isla gobolka dhaca koonfurta Soomaaliya.

"Dagaalka oo muddo kooban socday waxaa ku dhintay hal askari, mid kelana waa uu ku dhaawacmay," ayuu yiri goobjooge sababo amni uga gaabsaday magaciisa.

Xaalada Gedo ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay kacsaneyd kadib markii Xukuumadda Federaalka ay boolis si gaar ah u tababaran u daabushay gobolka ku dhow sohdinta Kenya.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda ayaa is-hor-fadhiyey tan iyo markii gobolka ay tageen Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Jubalnad iyo Cabdirashiid Janan, wasiirka ammaanka.

Cabsida laga qabo in dagaal fool ka fool ah oo khasaaro badan sababa uu dhexmaro dhinacyadda ayaa u muuqaneysa mid sii kordheysa, iyaddoo Jubaland "ay heegan u gashay is-difaac adag".

"Cuqdad"

Villa Soomaaliya ayaa ku eedeysan in ay dooneyso in ay Gedo ka dhisto "maamul sharci darro ah" maadaama cilaaqaadka ay la leedahay maamulka Axmed Madoobe uusan wanaagsaneyn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su'aal geliyey sababta ay dowladda ciidamo ugu direyso Gedo, iyaddoo caasimadda aysan ammaan ahayn.

"Dowladda Federaalka ah ciidan Al-Shabaab la dagaala ma hayso, meelaha laga xoreeyo Al-Shabaabna ciidan xasilliya ma hayso, laakiin boqolaal ciidanka iyo gawaarida dagaalka way u haysaa in ay Gedo kaga qabsato Juballand, Dhuusamareeb na Ahlu-Sunna," ayuu kusoo xoray Facebook.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa si furan kaga digay "cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso".

"Al-Shabaab labo jeer ayey faa’iideen; waa mar oo dagaal lagulama jiro, marka labaadna cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso, waxay ka helayaan taageerayaal badan. su’aaashu waxay tahay sow xooga dawlada Alshabaab looguma shaqeeyo," ayuu kusoo xiray.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay xasilooni daro ka abuurto dowlad goboleedyadda siyaasad ahaan ka aragtida duwan, waxayna taas "seejisay" fulinta waajibaadka ee loo idmaday.

MUUQAALKA JUBALAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM