Caqabad soo wajahdey wadahadalka doorashooyinka ee Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wada-xaajoodyadii arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dib uga bilowday Madaxtooyada Muqdisho waxaa soo wajahay caqabad markii la isku qabtay qodobo, sidda Garowe Online ogaadey.

Illo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha GO in kulankii xalay ka dhacay Aqalka looga arimiyo waddanka ay ka baxeen madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland – Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Sidda ay muujineyso xogta, qodobada ugu culus ee la isku hayo waa awooda guddiyadda doorashooyinka iyo goobta labaad ee ay ka dhaceyso doorashadda marka laga soo tago magaala madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu saxiixay Villa Soomaaliya ayaa xeerinaya in doorashada ka dhacdo laba magaalo maamulkiiba. Goobta koowaad ee loo asteeyay ee caasimadaha, halka aan wali lagu heshiin goobta kale.

Wadahadalkan ayaa la aaminsan yahay in uu ka adag yahay midkii hore heshiiska laga soo saarey maadaama waxaa la doonayaa in laga heshiiyo qaabka ay si guud ugu qabsoomeyso coddeynta, waana ajande aad xasaasiyad u leh.

Madaxweyne Farmaajo oo asbuucii hore ka hadlayey kulan ka dhacay Muqdisho wuxuu shaaca ka dhigay in guddiyada lasoo magacaabayo uu rabo in ay noqdaan laba – mid ka socda dowladda federaalka ah iyo mid oo heer gobol ah.

Villa Soomaaliya oo calaamadeysatay goobo ay dooneyso in doorashada lagu qabto ayaa diyaarsatay shaqsiyaad ay u han-qal-taageyso in ay kusoo baxaan coddeynta si marka la tago sanduuqa coddeynta ugu soo saaran Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM