Carro ka dhalatay geeri uu sababay bandowga habeenkii ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Carro xooggan iyo dibad-baxyo rabashado wata ayaa ka dhashay dil uu xalay Muqdisho ka geystay askari ka tirsan booliska dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhimashada oo noqotay geeridii ugu horeysay oo uu sababay bandowga habeenkii ee Muqdisho ayaa loo geystay laba ruux oo ehel ah, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen ehelkooda.

Marxuumiinta ayay xabadu ku haleeshay nawaaxiga gurigooda oo ku yaala degmada Boondheere xili askari uu isku dayey in uu dhaqan-geliyo bandowga saacadihiisa lasoo horumariyey.

Wallow ay jiraan eedeymo, illaa iyo haatan, ma cadda hadii uu si ku talagalay xabadda ugu furay "shacabka aan waxba galabsan".

Banaanbaxyadda oo taayaro lagu gubay ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Jubada iyo Taalada Daljirka Daahsoon. Ciidamo boolis ah ayaa rasaas nool-nool ku xakameeyay isu soo baxa.

Xilli mas'uuliyiin ay gaareen meesha ay wax ka dhaceen, dibad-baxayaasha ayaa ku oorinayay "waa in ay cadaalad helaan laba marxuum; askariga maxkamad kala soo taago".

Waa kuma askariga falka sameeyay?

Taliska Booliska oo difaacay bandowga habeenkii ee caasimadda kaas oo looga hortagayo faafitaanka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in xabsi loo taxaabay askariga dilka ka dambeeyay.

Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda federaalka ayaa faafisay aqoonsiga iyo muuqaalka askariga oo lagu magacaabo Xasan Aadan Xasan.

"Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis 2,686,9 Xasan Aadan Xasan ina Dahabo Maxamed Cabduqaadir 24 jir ku dhashay Xamar degan Hodon kana tirsan Boliiska saldhigga Boondheere, ayaa waxaa xabadda uu riday u geeriyoday labo ruux," ayaa lagu soo qoray barta Facebook ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

Labada qof ee uu dilay askariga ayaa magacyadooda lagu sheegay; Madiino Cabdullaahi Cabdi, 17 jir, iyo Xasan Cali Cadaawe oo ah 24-sano jir. Degmada Boondheere ayay degan yihiin.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa la filayaa in lagu wareejiyay gal-dacwadeedka askariga si loo baaro isla markaana xukun uga soo saarto.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay mar sii horeysay ka digeen waxyeeleynta dadka shacabka ah inta ay socdaan dedaalada lagu xakamaeynayo fayruska safmarka ah ee Corona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM