Casharka ay Soomaaliya ka baran karto weerarkii Maka Al Mukarama

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa 20-saacadood kadib soo gabagabeeyay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday huteelo ku yaalla wadada ugu mashquulka badan Muqdisho ee Maka Al Mukarama, habeenkii Khamiista.

Ku dhowaad 30 ruux oo u badan shacab ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duulaankaasi oo ku bilowday qaraxyo, iyada oo dhaawaca uu ka badan yahay 70 qof, taasoo wadar ahaan ka dhigeysa waxyeelada 100.

Intaasi waxaa dheer in uu jiro burbur haniyadeed oo soo gaarey dhismayaasha huteelada iyo goobo kale oo ganacsi, kuwaasi oo dib u dayactirkooda ay ku bixi doonto milaayiin dollar-ka Mareykanka ah.

Hadaba, warsidaha Garowe Online waxa uu halkaan kuugu soo gudbineynaa casharada ay tahay in Soomaaliya ay ka barato weerarkaan.

- Midnimo -

Siday GO u sheegeen dad ka badbaadey weerarkaan, khasaaraha waxa uu ka badan lahaa inta hada la ogyahay, hasayeeshee waxaa lagu badbaaday in mid kamid ah ganacsatada meesha ku sugneed oo arkay gaariga 1aad ee qarxay.

"Aniga gudaha ayaa ku jiray…gaariga marka hore waxa uu ku dhacay iridka huteel-ka...qof ayaa markaasi kadib qeyliyay…oo waa la kala cararay," ayuu yiri, Maxamed Cabdullaahi, oo dad badbaadey kamid ah.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee qaraxyadda ah waxaa lasoo warinayey tusaalooyin tan lamid ah, taasi oo muujineysa in bulshada ugu yaraan midowday, balse loo baahan yahay in sare loosii qaado.

- Fashilka Booliska -

Ciidamada Booliska oo howlgalkii ugu horeeyay ee samata bixinta la wareegay ayaa ku guuldareystay in ay soo afjaraan weerarka taasoo keentay in lagu wareejiyo xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

Khuburo dhinaca amaanka ah ayaa u sheegay GO in sababta keentay in Booliska oo amniga caasimada lagu wareejiyey ay si dhaqsi ah kusoo afjaraan weerarka ay tahay in aanu haysan waayo aragnimo ku filan.

Xeel-dheerayaasha oo su’aal geliyay awooda ay ciidamada Booliska ku sugi karaan amniga magaala madaxda ayaa soo jeediyay in wax laga bedalo, islamarkaana howlgalada noocaan ah loo xil-saaro ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

"Waxay kamid tahay casharada loo baahan yahay in aan barano..maxaa yeelay Kenya weerarkii Westgate Mall sidaan oo kale ayaa qabsatay..midkii DusitD2 waan aragnay sida uga fal-celisay," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

- Gurmadka degdega ah -

Inkasta oo wixii ka dambeeyay qaraxii Soobe ee lagu xasuuqay 500 dad Soomaaliyeed ay soo fiic-naaneyso xaalada gurmadka degdega ah, hadana qolyaha ka shaqeeya wali way cabanayaan.

Waxay hoosta ka xariiqayaan in aanu dowladdu ka haysan taageero maaliyadeed, iyaga oo codsaday in ay qoondo ku lahaadaan miisaaniyada ay sanad walba dejiso dowladda si adeega bulshada u baahan yihiin ugu fidiyaan.

"Maalin walba foosto shidaal kuma raadin karno shaxaad…dowlada iyo maamulka gobolka Banaadir kuma lihin miisaaniyada..marka waxaan dalban lahayn oo aan horeyna u soo bandhignay taageero," ayuu yiri maamulaha Amiin Ambulance.

- Fal-celinta dowladda -

Xukuumada ayaa waxay ku qaadatay in ay ka hadasho weerarka in ka badan 10 saacadood, taasoo lagu dhaliilay inkasta dadka taageersan ay sheegayaan in ay ahayd talaabo wanaagsan.

Dadka naqdiyey ayaa ku doodaya in aamusnaanta dowlada ay sahleyso in xog badan oo been ah laga faafiyo weerarka, iyaga oo ku booriyay in mar kasta ay la wadaagto bulshada halka ay wax marayaan.

"Saacadihii ugu horeeyay weerarka wax kasta waxay ahayeen jahwareer..balse 5 ama 8 saac kadib in aanan la haynin hadal dowlada dhinaceeda kasoo baxay waxay muujineysaa habac-sanaan," ayey tibaaxeen.

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo weerarkaan ayaa sheegaya in meydad horleh laga soo saarayo dhismayaasha ku yaalla halka uu weerarku ka dhacay, taasoo kordhin karta tirada geerida.

MUUQAALKA KHAYRE OO KA HADLAY WEERARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM