Cawaaqibka ka dhalan kara muranka guddiyada doorasho ee la duray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muranka ka taagan guddiyadda doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa sii daba-dheeraanaya iyaddoo illaa haatan dhinac walba uu ku adkeysanayo mowqifkiisa taasoo meesha ka saareysa xal la helo dhowaan.

Is-qabqabsiga oo sii daba-dheeraada ayaa sababi karta cawaaqib – dib-u-dhac doorasho iyo geedi u socod doorasho oo isu-sidkan taasoo dhinacyadda isku-haya guddiyadda ay qabsadaan – arrintaasoo keeni kara khal-khal siyaasadeed.

Guddiyadda waxaa isku haya dowladda federaalkaoo kusoo darsatay xubno daabacsan iyo murashaxiinta madaxtinimadda oo dalbanaya in la bedelo.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay cod dheer kusoo jeediyeen in la bedelo isla markaana dib-u-eegis lagu sameeyay xubnaha guddiyadda shanta maamulo "maadaama ay ku jiraan saraakiil sirdoon iyo shaqaale rayid ah".

Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa lagu waramay in Villa Soomaaliya iyo taliska NISA uu kusoo darsaday xubno sirdoon iyo taageerayaasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee Maxamed Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay bayaanka murashaxiinta, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xubnahooda guddiyadda doorashadda kusoo daray shaqaale rayid ah.

Madaxda dowlad goboleedyadda ayaan wali si rasmi ah kaga jawaabin walaaca murashaxiinta, halka dowladda federaalka oo difaacdey xubnaha ay ku darsatay guddiyadda ay qiil ka dhigatay in guddiigii doorasho ee 2016 ay ku jireen.

Murashaxiinta madaxtinimadda oo shir saddex maalmood ah uga furmay Muqdisho kaasoo la filayo in lasoo gabgabeeyo Isniinta maanta ah ayaa qaarkood la kulmeen hogaamiyaha Galmduug si ula wadaagaan walwalka ay qabaan.

Sidoo kale, qaar kale oo kamid ah murashaxiinta ayaa loo diray keenan madaxweynaha HirShabelle. Ma cadda natiijada kasoo baxdey dedaalkooda, balse wararku waxay xusayaan in madaxda ay ku adkeysatay xubnaha ay gudbiyeen.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, murashaxiinta ku shirsan Muqdisho oo Axadii kulankooda ay gedaal kaga biireen Ururada Bulshada, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada ayaa soo saaraya go'aano wadajir ah.

Go'aanadaas waxaa qayb ka ah in waddanka u baahan yahay doorasho geedi u socodkeeda lagu wada qanacsan yahay iyo shaacinta gole ay ku midoobeen.

Maadaama mid walba mowqifkiisa uu cad-yahay isla markaana tanaasul uusan jirin, waxaa laga cabsi qabaa in daraf walba doorasho qabsado halkaasoo ay kasoo bixi karaa madaxweynayaal badan – taasoo sababeysa jahwareer siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM