Cawad oo Dacwad laga gudbiyay iyo Khilaaf soo shaac baxay [Warqad]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, ayaa lagu waday inay maanta oo Arbaco kulan ku yeeshaan xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasi oo ku yimid dib u dhac, iyadoo noqoneysa markii labaad, todobaad gudahiisa.

Gudoonka Gollaha ama Guddiga joogta ah ee Wakiilada Shacabka illaa iyo haatan war rasmi ah kama aysan soo saarin sababta, balse, wararka la helayo ayaa tibaaxaya inay salka ku hayso is-qabqabsi u dhaxeeya Xilldhibaano iyo Gudoonka.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in is-qabqabsiga uu ka dambeeyay markii Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Hoose, Mahad Cabdalla Cawad uu mudanayaal ka diiday aqbalida warbixin ay soo gudbiyeen Guddiga Maaliyadda.

Warbixinta oo dibada timid ayaa ku eedaysay wasaarada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir ku tagri fal maaliyadeed iyo wax is-dabamarin, taasi oo ay dhinacyadda gaashanka ku dhufteen.

Sharci-dejiyaasha laga diiday in la aqbalo warbixinta ayaa dacwad ka dhan ah Cawad waxay u gudbiyeen Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyagoo ka dalbaday inuu wax ka qabto arrintani.

Cawad ayaa lagu dhaliilay inuu "si ula kac ah" u baalmaray xeerhoosaadka Gollaha Shacabka kulankii ay mudanayaashu yeesheen 24-kii bishaan, kaasi oo wasiirka Maaliyadda Cabdiraxman Ducaalle Beyle uu Golluhu hor-yimid.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dooda kulul ay ka yeesheen Xilldhibaanada warbixinta Guddiga Maaliyadda uu Cawad si cad u difaacay xukuumada Khayre, taasi oo shaki gelisay dhex-dhaxaadnimadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM