CC Shakuur oo DF Soomaaliya ku eedeeyay dhiirragelinta argagixisadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu si adag uga falceliyey hadal isaga lagu weeraray oo kasoo yeeray Xasan Daahir Aweys, oo xabsi guri ugu jira dowladda federaalka.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo hadalkan ku qeexay "baaqa ku aadan in isaga la dilo" ayaa wuxuu Xasan Daahir Aweys ku sifeeyay "argagixiso dilay kumanaan qof".

Siyaasiga ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya "ay taageersan tahay" hadaladda uu Xasan Daahir ku duray isaga.

“Ayada oo dowladda ay tani ku taageereyso, oo taageerayaasheeda ay ku buun-buuninayaan baraha bulshada, miyaysan caddeyn u ahayn in dowladda ay la shaqeeneyso argagixiso?" ayuu yiri Warsame.

Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka jawaabin eedeynta kaga timid Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Jawaabta Cabdishakuur ayaa kusoo aadeysa markii hadalheyn ay ka dhalatay khudbadii uu ka jeediyey waddanka Jarmalka.

Si gaar ah, waxaa aad loo falanqeeyay qaybta uu kaga hadlay "sidda culimadda haweenka u duudsiiyaan xuquuqda ay leeyihiin".

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kalmadiisa Jarmalka ku sheegay in culimadda duudsiinta haweenka xuquuqdooda u cuskadaan xadiis "ay macno bedeleen".

Erayadaas waxaa ka falceliyey culimo kala duwan oo Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ugu baaqay in uu "towbad keeno".

Cabdiraxmaan oo qoraal uu soo dhigay Facebook kaga jawaabay baaq "towbad keenka" ayaa sheegay "in uusan ahayn caalim dhega weyn oo uu bursan karo Sheekh kitaab gaablow ah".

Shaqsiyaadkii u dambeeyey ee faalo ka bixiyey waa Xasan Daahir Aweys, oo xabsi guri ugu jiray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Aweys oo muuqaal soo duubay ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku kacay "fal kufri ah" uuna marayo wadadii Salmaan Rushdi.

"Si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufrinimo, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer," ayuu yiri Xasan.

Rushdi, qoraa haysta dhalashadda Ingiriiska, oo asal ahaan kasoo jeeda Hindiya, ayaa soo saarey bug uu ugu gefay diinta Islaamka, taasoo keentay in wadaadada Islaamka ku baaqaan la dilo.

Dhanka kale, war kasoo baxay xisbiga Wadajir, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay dhiirogeliso argagixisadda, waxaana uu sheegay xukuumada qaadeyso mas'uuliyada dhib kasta oo soo gaara hogaanka xisbiga.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM