CC Shakuur oo culimada ugu baaqay in aysan la kala safan siyaasiyiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo gabagabeeyay hadalheyntii ka dhalatay khudbadii uu ka jeediyey Jarmalka ee qabsatay baraha bulshadda.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa u mahadceliyey culimada "sida nasteexada leh" uga falcelisey "khaladkii ku jiray" khubadiisa, isaga oo cafiyey wadaadada "gaarey sharafkiisa iyo Diintiisa".

"Waxaan kaloo rabaa in aan u mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee u arkey dulmi aniga la ii geysanaayo ama leygu beegsanaayo ama mid lasoo abaabulay oo aan ahayn khaladkii ku jiray khudbada".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa si shaacbaxsan ugu dhawaaqay in uu EBBE waydiisanayo in uu ka cafiyo "khaladaadkii ku jiray" hadal-jeedintiisa.

Warsame ayaa sheegay in uu mar walba u taagan yahay "ilaalinta" doorka uu Islaamka siiyey haweenka, kaas oo uu caddeeyay in dhaqanka Soomaaliyeed uu siinayo "kaalin guracan".

Erayada uu siyaasigaan jeediyey ee dooda dhaliyey ayaa ahaa in culimada ay "xadiis faalse ah jeebka kala soo baxaan marka ay xaqirayaan doorka haweenka ee siyaasadda iyo bulshadda".

Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo gabagabadda muuqaal dhowr daqiiqo soconaya oo laga soo duubay ayaa ku waaniyey culimadda in aysan la kala safan siyaasiyiinta.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo Sii XOOGAYSTAY iyo Baqdin laga muujinayo Amniga Galmudug

Khilaafkan sii kordhaya ayaa hadda halis ku ah inuu burburiyo xiriirkii ka dhexeeyay madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxa sirdoonka.

  • Soomaliya

    28-05-2026

  • 02:34PM

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM