Ciidamo Baraawe Mushaar la'aan uga soo baxaya oo fariin u diray Farmaajo

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Ciidamo katirsana Millateriga Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay kasoo baxayaan degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo mudo shan sano ka badan ay ka difaacayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamadan oo kamid ah guutada 6aad ayaa u sheegay warbaahinta in mudo 4 bilood ah aysan dowladda Federaalka ah bixin mushahaarka Askarta ku sugan aagaga difaaca iyo garaamka cuntadooda.

Waxay u qabteen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu saddex maalmood uga soo jawaabo cabashadooda, hadii kale ay soo faaurin doonaan degmada Baraawe, oo duleedka ku suhan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa joogay Baraawe 5 sano iyo 5 bilood, waxaana gadoodkan hadd ay sameynayaan ka dambeeyay markii uu Ra'iisul Wasaare Khayre meel xaflad ah ka sheegay dhawaan in uusan jirin Askar mushaar ku leh Xukuumadiisa, isagoo kuwa cabanaya ku tilmaamay Askar aan diiwaan-gashaneyn, islamarkaana ku sugneyn xeryahooda.

Baraawe ayaa waxay Al-Shabaab u ahayd isha ugu weyn ee dhaqaalaha, maadaama laga dhoofin jiray dhuxusha, iyadoo sidoo kale saldhig u ahayd hogaamiyeyaasha ugu sareeya Kooxda kahor inta aan laga saarin 5 sano kahor.

Hadalka Khayre aya kiciyay ciidamada ku sugan aagaga hore ee difaacyada, gaar ahaan labada gobol ee Shaabeellooyinka, kuwaasoo sheegay in ay soo galayaan Muqdisho, hadii aan la siin xuquuqda ka maqan.

Al-Shabaab ayaa ka fulisay Muqdisho in ka badan 10 qarax iyo weerar lagu qaadey xaruumo wasaarado tan iyo markii gadoodka ciidamada uu billowday, iyadoo ka faa'idaysanaysa xaaladda jirta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM