Dacwad laga gudbiyey Soomaali ku jira liiska uu Mareykanka ku raadjoogo

Image

WASHINGTON, US – Dacwad-oogeyaal Mareykan ah ayaa gal-dacwadeed ka dhan ah Soomaali deganaa gobolka Virginia u gudbiyey maxkamad heer federaal ah. Eedeysanaha waxaa lala xiriiriyey Al-Shabaab.

Eedaha loo jeediyey waxaa kamid ah in uu dagaalameyaal u qorayey kooxda "argagixisadda ah" iyo in uu u fidinayey taageero agab.

Liibaan Xaaji Maxamed oo deganaa magaaladda Alexandria oo hoostagta gobolka Virginia ayaa ku dhashay Soomaaliya, wuxuuna waqoyga Virginia ku ahaa darawal gaariga dadweynaha ee loo yaqaano taksiga.

FBI-da ayaa soo xirtay 2010-kii isaga iyo Zachary Adam Chesser, 20-jir la xagjireeyay. Labadooda waxaa lala xiriiriyey Al-Shabaab.

Sanadkii 2012-kii bishii July ayuu Maxamed ka tagay Mareykanka, isla waqtigaas, FBI-da waxay ku dartay liiska dadka loogu doondoonista badan yahay ee ka tirsan kooxaha argagixisada ah.

2015-kii waxaa lasoo wariyey in Maxamed uu ku jiro xabsi ku yaala Soomaaliya, balse ma jiro heshiis maxaabiis is-dhaafsi oo dhexyaala labada dal.

Mas'uuliyiinta ayaanan wali ka jawaabin hadii Maxamed laga sii daayey xabsiga Soomaaliya ama in uu wali baaqi ku yahay jeelka.

Wargeyska Washington Post ayaa wariyey in Maxamed uu isku dayayo in uu wakiil qarsoon duufsado si uu ugu soo dhoofiyo gudaha Soomaaliya isla markaana tababar uga qaato dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Si lamid ah, Maxamed wuxuu wajahayaa eedeymo ku saabsan in uu qorsheeyay adeegsiga xirfadiisa warbaahinta si uu u horumariyo qalabka war-fidiyeenka ee Al-Shabaab una qorto xubno reer Galbeed ah.

Mareykanka oo ay ku nool yihiin Jaaliyad badan oo Soomaali ah wuxuu dowladda federaalka ah ka caawiyaa la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish, balse gudahiisa waxaa ku xidideysanaya dhalinyaro la marin-habaabiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM