Dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo weerar gaadmo ah lagu khaarijiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay dileen shan Al-Shabaab kadib markii xubno ka tirsan argagixisada ay ismaamulka Mandera gaar ahaan meel ku dhow xuduudka ku kadiyeen kolanyo milatari.

Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal, kolanyada oo isaga kala goosheysay wadada Lafey - Alungu – Elwak ayaa la beegsaday aroortii Isniintii.

Warbixin kasoo baxdey booliska ayaa lagu sheegay in hal mas'uul dhanka amniga uu ku naf-waayay falka, laba kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Sarkaal sarre oo booliska ka tirsan ayaa wariyey in dhimashada ay korortay, isagoo intaas ku daray in bukaanadda loola caray xarumaha caafimaadka.

"Shan Al-Shabaab ah baan dilnay, tiro kalena waan dhaawacmay intii uu socday dagaalka fool ka foolka ah," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka.

Kolanyada la beegsaday ayaa kusii jeeday garoon diyaaradeed xilliga la beegsanayey. Dadku waxay sheegeen in xabadu socotay 30 daqiiqo.

Xoogaga hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bam-gacmeedyo iyo qoryo fudud u adeegsaday weerarka. Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku baxdey dhacdooyinkan oo kale, wallow ay jiraan roondooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM