Dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo weerar gaadmo ah lagu khaarijiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay dileen shan Al-Shabaab kadib markii xubno ka tirsan argagixisada ay ismaamulka Mandera gaar ahaan meel ku dhow xuduudka ku kadiyeen kolanyo milatari.

Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal, kolanyada oo isaga kala goosheysay wadada Lafey - Alungu – Elwak ayaa la beegsaday aroortii Isniintii.

Warbixin kasoo baxdey booliska ayaa lagu sheegay in hal mas'uul dhanka amniga uu ku naf-waayay falka, laba kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Sarkaal sarre oo booliska ka tirsan ayaa wariyey in dhimashada ay korortay, isagoo intaas ku daray in bukaanadda loola caray xarumaha caafimaadka.

"Shan Al-Shabaab ah baan dilnay, tiro kalena waan dhaawacmay intii uu socday dagaalka fool ka foolka ah," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka.

Kolanyada la beegsaday ayaa kusii jeeday garoon diyaaradeed xilliga la beegsanayey. Dadku waxay sheegeen in xabadu socotay 30 daqiiqo.

Xoogaga hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bam-gacmeedyo iyo qoryo fudud u adeegsaday weerarka. Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku baxdey dhacdooyinkan oo kale, wallow ay jiraan roondooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM