Dalabka ku aadan in ay is-casilaan guddiga doorashadda oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegtay in aysan ogolaaneyn muddo kororsi maalin kadib markii guddiga doorashooyinka uu caddeeyay in aysan waqtigeeda ku dhici karin coddeynta sanadka 2020-21.

War-saxaafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu codsaday in ay is-casilaan xubnaha guddiga doorashooyinka "maadaama ay fashilmeen, kuna milmeen xukuumadda ayna lumiyeen kalsoonida shacabka".

Xisbi siyaasadeedka Wadajir iyo hogaamiyaha xisbigaas, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa shalay ugu baaqay guddiga doorashooyinka in ay is casilaan kahor inta aysan waddanka u horseedin qalalaaso.

Muddo xileedka goleyaasha xeerdejinta haatan shaqeyneysa ayaa dhamaanaya 21-ka November, 2020, halka kan madaxweynaha uu ku eg-yahay 8-da Febraayo ee sanadka dambe 2020-21.

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay warbixintii shalay ee guddiga doorashooyinka ayaa ku baaqay in laga heshiiyo labada nooc doorasho ee ay soo diyaariyeen guddiga doorashooyinka madaxa-banaan.

Dhanka kale, bayaanka madasha ayaanan lagu soo hadal-qaadin ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir oo shalay Golaha Shacabka meelmariyey, balse ay diidmo xoogan kala hortagaan Xildhibaano iyo wasiiro.

Xeerkaas lagu muransan yahay ayaa 13 xubnood oo Aqalka Sarre ah siinaya gobolka Banaadir. Hase ahaatee, waxaa talaabo baalmarsan dastuurka ku qeexay sharci-dejiyeyaal, wasiirada xukuumada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kalluumeysi

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo nidaam dhexe, waara oo si buuxda loo diiwaangeliyay.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 01:55PM

Soomaaliya: Muxuu Farmaajo uga qeybgali waayay shirka Kismaayo?

Farmaajo waa la soo dhaweynayaa inuu ka soo qayb galo, laakiin ma aha qayb ka mid ah madasha qabanqaabisa shirka.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 09:43AM