Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland
NAIROBI (GO) – Danjire hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in aqoonsi degdeg ah oo Somaliland la siiyo uu halis weyn ku keeni karo xasilloonida Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay Washington iyo xulafadeeda inay taxaddar muujiyaan oo ay sameeyaan wada-tashi ballaaran oo ku saabsan arrintan.
André, oo u shaqeeyey Mareykanka xafiisyo diblomaasiyadeed oo kala duwan oo ku yaalla Nairobi, Djibouti iyo Muqdisho, ayaa sheegay in khilaafka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya uu leeyahay taariikh qoto dheer oo qabiil iyo siyaasadeed, isla markaana uu taabanayo deriska sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Wuxuu xusay in talaabo kasta oo aan lagu dhisin is-afgarad gudaha iyo mid goboleed ay keeni karto rabshado cusub iyo faragelin militari.
Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo xaaladda hadda jirta isagoo ku ekaada safaaradda Muqdisho; in uu xafiis diblomaasiyadeed ka furo Hargeysa si uu u fududeeyo xiriirka labada dhinac; ama in uu si toos ah u aqoonsado madaxbannaanida Somaliland. Wuxuu sheegay in ikhtiyaarka saddexaad uu dhaawici doono xiriirka Muqdisho, gobollada kale ee Soomaaliyeed iyo Midowga Afrika.
André wuxuu ku dooday in taageerada madax-bannaanida Somaliland ay inta badan ku koobantahay beesha Isaaq oo ka badan laba-meelood saddex meel dadka Somaliland. Qabiilooyinka kale sida Dir iyo Daarood ayaa leh aragtiyo kala duwan, qaarna ay taageersan yihiin in Somaliland ay noqoto maamul federaal ah oo hoos yimaada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in maamulka Hargeysa uu si xoog ah ula dhaqmo deegaannada ka soo horjeeda, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii Laascaanood.
Danjiruhu wuxuu sheegay in sharci darro laga dhigay Somaliland in lagu doodo midnimo, halka dadka taageersan madax-bannaanida ee ku sugan Muqdisho ay si xor ah u hadlaan. Wuxuu xusay in madaxweyne Muuse Biixi si cad ugu sheegay in dadka taageera midnimada lagu tilmaamo “iney galeen khiyaano qaran” laguna xidho.
Isagoo tusaale u soo qaatay Eritrea iyo Koonfurta Suudaan ayuu sheegay in labaduba la aqoonsaday oo keliya markii ay heshiisyo ka gaareen waddankii ay ka go’een iyo urur goboleedka Afrika. Wuxuu ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalladii Hargeysa iyo Muqdisho ee 2020, isla markaana la isku dayo xalal hal abuur leh oo lagu dhiso federaal dabacsan ama nidaam degaan-door ah sida Tanzania iyo Kanada.
André wuxuu ku soo gabagabeeyay in danaha Mareykanka iyo kuwa dadka Geeska Afrika labaduba ay ku jiraan xasillooni iyo horumar, isla markaana ay lama huraan tahay in arrinta Somaliland lagu wajaho si nidaamsan, wada-tashi leh oo ka fog tallaabooyin degdeg ah.
André waxa uu khibrad gaar ah u leeyahay arrintan, isagoo booqday Hargeysa iyo Berbera xilligii uu ahaa safiirka Soomaaliya (2022–2023), islamarkana ka soo shaqeeyay Djibouti iyo Nairobi, kana qeybgalay wadahadalladii 2020 ee Djibouti dhexmaray Somaliland iyo Dowladda Federaalka.
GAROWE ONLINE