Gollaha Shacabka oo sharci darro ka dhigay dhiibista Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa sharci darro ka dhigay dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi dhagax ee Xukuumadda Federaalka ugu gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Gudiga baaritaanka kiiska Qalbi dhagax ayaa kahor akhriyay Gollaha Shacabka natiijada baaritaankooda, iyagoo sheegay in go'aanka Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci ahayn, oo lagu xad-gudbay muwaadinkaasi.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay in qalad ay ahayd in Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladda Itoobiya, islamarkaana go'aankaasi uu ahaa mid aan loo marin wadada sharci ah, oo aan lagala tashan Hay'adaha Garsoorka dalka.

Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) ayaa dusha loo saarey mas'uuliyadda wareejinta Qalbi Dhagax.

Codka Xildhibaanada ay u qaadeen Kiiska Qalbi Dhagax ayaa u dhacay sidan: 152 mudane ayaa isku raacday inuu sharci darro ahaa go'aanka, 6 ayaa diiday, halka 3 ay ka aamustay.

Taliyihii NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayay sheegeen inuu qaatey go'aanka Qalbi-Dhagax loogu wareejiyay Itoobiya, isagoo aan wax badan kala tashan madaxda qaranka iyo Hay'adaha kale ee dowladda.

Xildhibaanada ayaa kuu baaqay in magdhaw laga bixiyo qaladka laga galay Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada ayaa Gudiga baaritaanka waydiiyay su'aallo aad u adag, oo ku saabsan wadadii loo mariyay dhiibista Qalbi-dhagax, kuwaasi oo dhamaantooda ahaa kuwa lagu soo ogaaday baaritaanka warbixintiisa maanta la horgeeyay Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM