DF oo difaacday Heshiis ay Shirkad ajnabi ah la gashay

Image

NEW YORK - Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN-ka, Abuukar Daahir Cismaan [Abuukar Baalle] oo wareysi siiyay VOA-da ayaa wuxuu difaacay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda SPG oo arrimaha diblumaasiyada ka shaqaysa.

Ujeedka heshiiska oo qodobo badan ay gashay dowladda Soomaaliya ayuu tibaaxay Danjiraha inay qayb ka tahay soo celinta dhaqaalahii Mareykanka uu siin jiray ciidanka Soomaaliya oo haatan la xanibay, kadib musuq-maasuq baahsan oo lagu sameeyay.

"Inta ogaal keyga ah, lacagta waa sidii loo jaray, dowladda Soomaaliyeedna sidaad ogtahay waxay haatan ku guda jirtaa dadaalo ay dooneyso inay kusoo celiso arrinkaas, iyo in dalka laga cafiyo daymaha dalka lagu leeyahay," ayuu yiri Safiirka.

In Soomaaliya laga saaro liiska dalalka uu Trump ka mamnuucay inay dadkooda galaan Mareykanka ayuu Abuukar xusay inay qayb ka tahay arrimaha ay heshiiska u galeen, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay shirkada ku guuleysato arrintaas.

Shirkaddan oo dalalka dagaalladda dib uu dhigeen kala shaqeysa soo celinta xiriirka dibadda iyo sidoo loo soo celin lahaa ayaa waxay dowladda Federaalka ka qaadeysaa hadda $400,000 [Afar boqol oo kun oo doolar].

"Tani waxay kamid tahay arrimaha ugu waa wayn oo aan heshiiska u galnay, waxayna noo sheegeen inay dadaal dheer ay ugeli doonan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen, waxaana rajaynayaa inay ku guuleystaan," ayuu Danjiraha si cad daboolka uga qaaday.

Xayiraadaha saaran xawaaladaha Soomaalida ah, iyo in shirkadda ay fududeyso kulan dhex-mara Farmaajo iyo Donald Trump ayaa qayb ka ah ujeedooyinka Soomaaliya ay ugashay qandaraaskaas, kaasoo kaliya shaqaynaya afarta bilood ee soo aadan.

Danjiraha ayaa wuxuu qirtay in heshiiskaan oo ay ku baxayso 400-kun oo Dollar-ka uu Soomaaliya usaxiixay isaga, islamarkaana ay la ogyihiin dhamaan Madaxda dowladda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo safaaradda Soomaaliya ee Washington.

1-da bishan Agoosto ayuu carabka ku dhuftay Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya ufadhiya Qaramadda Midoobey inuu saxiixay heshiiska, kaasoo shaqaynaya Afar bilood, oo mid walba oo kamid shirkadu ku helayso lacag dhan 100-kun oo Dollar.

"Aniga ayaa saxiixay heshiiska. Waxaana uu shaqaynayaa 4 bilood, waana tijaabo. Waxaana intii aan ku guda jirnay wadahadalka nala ogaa madaxda dalka, Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Safaarada dalkeena ee halkaan," ayuu Safiir Abuukar raaciyay.

- Yaa isku keenay SPG iyo Soomaaliya? -

Shirkadda SPG oo fadhigeedu yahay gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa waxay qayb ka ahayd dhowr shirkado kuwaasoo dowlada Soomaaliya usoo gudbisanayay codsiyo kala duwan si ay kiisaskaan ugala shaqeeyaan, sida laga soo xigtay Danjiraha.

Safiirka ayaa ku nuux-nuux saday in xulashada SPG ay ku qaadatay waqti dheer, islamarkaana kahor inta aysan dooran ay ku sameeyeen qiiamenyn shaqooyinka ay soo qabatay, iyo doorka ay ka ciyaari karto arrimahaan ay Soomaaliya u baahan tahay.

Waxa uu meesha ka saarey warar laysla dhex-marayey oo ku saabsan in shirkadda iyo dowladda Soomaaliya laysku keenay, isaga oo cadeeyay inay ku timid "nidaam" islamarkaana aan jirin "gacan saddexaad oo udhaxeysa dowladda iyo shirkadda".

"Shirkadda waxay ka qayb tahay dhowr kale oo codsiyo noosoo gudbistay. Marka, inta aan xulanay SPG waxaan ku samaynay baaritaano, aniga oo eegayna waxay naga saacidi karto iyo waxay noogala qaban karto arrimahaan," ayuu Danjiraha raaciyay.

Hadalka Abuukar Daahir Cusmaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili tan iyo markii ay soo baxeen wararka ku saabsan inay Soomaaliya ay gashay qandaraaskaan ay isa soo tarayeen xubnaha dhaliilayey, wallow Madaxda sarre ee dalka aysan ka hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM