DF oo qirtay fashil ka jira qorshaha bixitaanka AMISOM [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si cad u qiray in ciidamadda xooga dalka aysan u diyaar-saneen in masuuliyadda amaanka dalka ay kala wareegeen AMISOM.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, Cabdi Saciid Maxamed Cali oo wareysi siiyay Africa Center for Strategic Studies, ayaa tilmaamay in dowladda wali ku guuleysan inay diyaariso ciidamadda, laakiin ay socoto dadaalo lagu dhisayo.

"Qorshaha kala guurka ee dalka uga baxayaan AMISOM waa mid ay isku raaceen dowladda Federaalka, maamuladda, AMISOM, dalalka ciidamadda ku tababarucay howlgalka iyo Beesha Caalamka kadib shirkii London ee bishii May," ayuu yiri Cabdi Saciid.

La-taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in awoodda al-Shabaab ay wali jirto, islamarkaana ay u suurageli karto waqti walba inay fuliso weeraro, isagoo ku nuux-nuux saday inay fekerkooda ay ka "iibiyeen" shacabka Soomaaliyeed.

"Tan iyo 2007-dii markii ay ciidamadda AMISOM soo galeen Soomaaliya amaanka dalka kuma jirin gacan Soomaaliyeed. Waxaana ay ku guuleysteen inay ka saaraan al-Shabaab caasimadda. Balse, wali waxay yihiin kuwa meelo badan oo dalka ah jooga," ayuu xusay.

Mar la su'aalay inuu qeexo heerka ay gaarsiisan tahay in mas'uuliyiinta Soomaalida aysan u diyaarsaneen inay amaanka dalka kala wareegeen inuu ka meer-maaray inuu sharaxo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qorshaha kala guurka uu yahay mid waqti badan u baahan si loo fuliyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dul-istaagay caqabadaha sababay inaan la fulin qorshahii dalka looga saari lahaa AMISOM, wuxuuna ku kala sheegay; amniga, dhaqaalaha, kala qeybsanaan siyaasadeed iyo awooda hay'addaha dowladda oo "liidata"

- Muxuu yahay qorshaha kala guurka? -

Qorshaha kala guurka oo ay isku raacsan yihiin dhinacyadda ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, iyo dowladda ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay kala ah; in amaanka dalka lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed; dhisitaanka hay'addaha dowladda iyo joogtaynta taageerada.

Ugu horeyn, in amaanka dalka lagu wareejiyo ciidamo Soomaaliyeed ayaa ka hor inta aan la wareegin waxaa lagu heshiiyay in ciidamada AMISOM kordhiyaan howlgalada Al-Shabaab ka dhanka ah, si ciidamada marka lagu wareejinayo amaanka ugu fududaato gacan ku haynta meelaha Al-Shabaab laga qabsaday.

Dhismaha hay'addaha dowladda, ayaa waxaa iyaddana hoos-imaaneysa in fulinta qorshaha amniga qaranka, oo ay kamid yihiin, in la diyaariyo ciidamo Boolis ah, tayenta hay'addaha cadaaladda iyo dib u habayn lagu sameeyo adeegyadda Bulshadda.

Joogtaynta taageerada, waxay tahay in beesha caalamka dowladda ka caawiso arrimo badan oo ay kamid tahay inay bixiso dhaqaalaha ku baxaysa howlahaan la qabanayo, oo ay ugu horeyso; xasilinta, la dagaalanka ferkada "xagjirnimada" iyo isla xisaabtanka.

- Sida loo fulinayo qorshaha bixitaanka AMISOM -

Qorshaha kala guurka ah ee AMISOM dalka looga saarayo ayaa waxaa loo kala qeybiyay illaa saddex qeybood oo ku eg illaa iyo sanadka 2021, oo ka bilaabaneysa sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2018, sida laga soo xigtay La-taliyaha Amniga Qaranka.

Wajiga koowaad, waxaa ay socon doontaa laga bilaabo waqti xaadirkaan, illaa iyo bisha June ee sanadka 2019.

Wajiga labaad, wuxuu bilaaban doonaa bisha July ee sanadka 2019 illaa sanadka 2020.

Wajiga saddexaad oo ugu dambeeya ayaa wuxuu bilaabanayaa bisha Janaayo 2021 illaa iyo December 2021.

Sikastaba, dhamaan qodobadaan lagu heshiiyay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka midna ma aysan ka dhaqan-gelin, sida uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka sheegay shirka arrimaha Soomaaliya ee Talaadadii lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Brassels ee dalka Belgium.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM