"DF waxay xoog ku askareyneysaa wiil aan agoonimo ku koriyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hooyo Soomaaliyeed ayaa kashiftay in cunug ay dhashay si qasab ah Dowladda Soomaaliya ugu qaadeyso dalka Qadar si uu u soo qaato tababar ciidan oo aysan raali ka lahayn.

Shamso Faarax, oo u warantay talafishinka Universal Tv, ayaa xustay in Maxamed Xasan uu yahay wiilka kaliya oo ay dhashay.

"Cunugeyda askarnimo uma rabo. Farmaajo isagaa madaxweynihii Soomaaliya ah cunugeyga ha isiiyo," ayay cod dareen leh ku tiri.

Xasan, oo da'diisa lagu qeexay 18-sano jir ah, ayaa qoyskiisa ka maqan 14-cisho, waxaana la tibaaxay in uu ku sugan yahay xero ciidan oo ku taala Muqdisho loona diyaarinayo safar dibadda ah.

"Marka hore Eritrea ayaa loo waddayaa laa laygu yiri, haddana waxaa la leeyahay Qadar ayaa loo waddayaa. Cunugeyga agoonnimo ayaan kusoo korsaday, aniga askari ma rabo," ayay tilmaamtay.

Maamadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa daaha ka rogtay in shaqsi aysan magacaabin uu "tashkiiliyey" Maxamed Xasan "oo aysan ku ogayn nolol iyo geeri".

"Xoogaa loo watay, aniga ma geysan, ehelkeyga ma geynin. Cunugeyga ninnaa maskax saarey, xoogaa leyga haystaa," ayay caddeysay.

Inkastoo aysan magacaabin cidda arrintaas ka dambeysay, sidda laga soo xigtay hooyo Shamso Faarax, in ay dib u aragto Maxamed Xasan waxaa shuruud looga dhigay bixinta todoba boqol oo Doolar.

"Aniga waa xakaarey [dhibtoodey]. Ra'iisul Wasaare Khayre iyo madaxweyne Farmaajo ha i siiyaan cunugeyga. Beer wax dhalay ayaan ahay cunugeyga askarnimo uma rabo," ayay ku adkeystay.

Bilooyinkii lasoo dhaafay aad ayey u xoogeysanayeen eedeymaha ka dhanka ah dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan in dalka Qadar si qarsoodi ah loogu soo tababarayo mukhaabaraad dharcad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM