Dhismahada wadada Muqdisho iyo Afgooye oo hakad ku jirta lix bilood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muddo lix bilood ah, waxaa hakad ku jira shaqadda dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo loo joojiyey markii maleyshiyadda Al-Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen.

Mashruucaan waxaa maalgelineysay dowladda Qadar, halka ay fulineyso shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga oo lagu magacaabo Enez kana mid ah kuwa hoostaga xukuumadda Recep Tayib Erdogan.

Intaas waxaa wehlisa in mashruucaan uu qayb ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen Muqdisho iyo Dooxa kadib socdaalo ay madax ka tirsan dowladda federaalka ah ay ku tageen waddankaas.

Bishii December ee 2019-kii ayuu dhacay weerarkii ugu dambeeyay oo lagu laayey Injineeradda dhismaha wadda, askar lagu waramay in ay ilaalo u ahaayeen iyo ku dhowaad boqol ruux kale oo shacab ahaa.

Qaraxaa soo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye. Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya waxay la xiriirisay "dal shisheeye" balse carabaabin.

Kadib dhacdadaas, ra'iisul wasaare Khayre oo la kulmay maamulka shirkadda ayaa balanqaadey in dib loo bilaabi doono dhismaha jidka isla markaana ciidamo dheeri ah lagu daabuli doono aaga iyo wadada la dhisayo.

Xukuumadda ayaa gabi ahaanba xirtay wadadaas, waxayna ciidamo ku daabushay jidka, arrintaas oo caqabad ku noqotay isu socodka labada magaalo isla markaana ay cabasho ka muujiyeen dadka.

Bilooyin kadib, waxaa dhowaan dib loo furay wadada, iyaddoo aanan la dhameystirin dhismaha isla markaana laga soo celiyey ciidankii la geeyay. Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa.

Ma cadda hadii ay socdaan qorsheyaal kale oo dib loogu bilaabayo. Xiriiro lala sameeyo xafiisyadda ay quseyso kama jawaabin wicitaanka.

Qaar kamida gaadiidleyda isticmaasha jidka ayaa u sheegay Radio Kulmiye in ay ku faraxsan yihiin dib u furida wadada, balse waxay sheegeen in uusan jirin isbedel la muuqda oo ay ku "ilaabi karaan mudadii ay ka xirneyd".

"Waan soo dhaweynaynaa in dib loo furay. Balse, wali dhibaatadii aan ku qabnay ee burburka waa ka jiraa tusaale ahaan godad badan," ayuu yiri midkood. "Qayb kamid ah wadada ayaa Jaay la saarey, kaliya".

Wuxuu raaciyey: "Laakiin, waxaa wadada laga qaadey ciidamadii jirdili jiray gaadiidleyda siiba Bajaajleyda, hadda si nadiif ah ayaan ku tagnaa Afgooye iyo meelaha kale, laakiin ma jiro Laami la saarey".

Warar aan la xaqiijin ayaa xusaya in Injineerada Turkida ee ku howlanaa dhismaha wadada qaarka aysan waxyeeladu kasoo gaarin weerarada Al-Shabaab "ay ku adkeysteen in aysan sii wadi karin shaqadda".

Falalka liddiga ku ah amniga oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ka fuliso koonfurta Soomaaliya ayaa baajiyey mashaariicyo horumarineed, iyaddoo beesha caalamka lagu dhaliilay in aysan weecin degaanada xasiloon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM