Dhuusomareeb oo loo magacaabey caasimadda gobollada dhexe

Image

April 8, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Madaxweynaha oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan wuxuu si rasmi ah usoo xirey wajigii koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha gobollada dhexe. 

Khudbad dhinacyo badan taabaneysey ayuu xafladdii xirtaanka ka jeediyey, wuxuuna sheegay in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe lagu qaban doono Cadaado balse caasumaddu noqon doonto Dhuusomareeb.

Go'aankan isaga ah wuxuu sheegay inuu kala tashadey golaha wasiirrada, hoggaanka barlamanka iyo qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha gobolla dhexe

"horay dowladdu waxay go’aan ku gaartay gogosha in Cadaado la dhigo...dad badan ra'yi kale ayey qabeen waana is qancinay..magaalo madaxdu waa Dhuusomareeb gogoshuna waa Cadaado halkaas ayaan maamulka kusoo dhisaneynaa" ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaciyey waqtiga uu sida rasmiga ah u furmi doono shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe, waqtigaasoo ah April 11, 2015.

"shirku wuxuu si rasmi ah u furmi doonaa bisha April 11 keeda, maalinta Sabtida Cadaado ayaa noo ballan ah" ayuu yiri isagoo ugu baaqay dadka ku nool gobollada dhexe inay nabadgelyada ka shaqeeyaan.

Go'aanka Madaxweynaha waxaa durba kasoo horjeestey qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Cadaado iyagoo ka digey khilaaf hor leh oo arrintaas ka dhasha. Halkan ka akhriso warbixin Garowe Online ka qortey safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusomareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wasiirrada oo ku Kala Qaybsamay Isku-dhacyada Baydhabo

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa muujiyay kala-qaybsanaan qoto dheer oo ka dhex jirta dowladda federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    05-02-2026

  • 11:00AM

 Dagaal ka Socda Baydhabo oo Galay Maalintii Labaad iyo Eedeymo loo Jeediyay Villa Somalia

Maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si kulul u eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    05-02-2026

  • 09:10AM