Dil Dhuusamareeb loogu geystay askari oo sababay isku dhaca ciidamo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo booliska Haramcad ayaa laga soo wariyey magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Isku dhaca ayaa laga soo sheegay nawaaxiga xarunta INJI illaa iyo madaxtooyadda maamulka. Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha geeri ama dhaawac oo lagu waramay in uu ku kooban yahay labada daraf.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in is-rasaaseynta ay salka ku hayso dil shalay loo geystay askari ka tirsan nabad-sugidda. Lama ogga cidda ka dambeysay, balse falkaas wuxuu xiisad ka dhex-abuuray ciidanka.

Maamulka degmada iyo kan gobolka si lamid ah saraakiisha ammaanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan. Dalabyo kala duwan oo loo diray si ay uga warbixiyaan kama aysan soo jawaabin.

Dhuusamareeb ayaa falal noocaan ah martigelineysay tan iyo markii la geeyay ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka, kuwaas oo la sheego in qaarkood ay Al-Shabaab kasoo baxeen.

Ciidanka Galmudug ayaa badankooda ka amar-qaata saraakiil ay soo magacowdo Dowladda Federaalka, balse maamulka cusub wuxuu bilaabay qorshe uu kaga guurayo nidaamkaas.

Dagaalkan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu magaala madaxda ka maqan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-qoor, oo safaro ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, haddana jooga Caabudwaaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wasiirrada oo ku Kala Qaybsamay Isku-dhacyada Baydhabo

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa muujiyay kala-qaybsanaan qoto dheer oo ka dhex jirta dowladda federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    05-02-2026

  • 11:00AM

 Dagaal ka Socda Baydhabo oo Galay Maalintii Labaad iyo Eedeymo loo Jeediyay Villa Somalia

Maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si kulul u eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    05-02-2026

  • 09:10AM