Donald Trump oo kusii jeeda magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku wajahan magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, sidda ay ku warameyso BBC-da.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee socdaalka Trump, balse waxaa la rumeysan yahay in ay la xiriirto ololihiisa doorashadda 2020-ka.

Qaban-qaabadda soo dhaweynta Trump ayaa lasoo sheegayaa in ay socoto, iyadda ay uga sii horumareen wafdi horudhac u ah safarkiisa.

Minneapolis ayaa ah magaalo ay ku badan tahay Soomaalida, kuwaasi oo lagu waramayo in ay ku kala qeybsameen socdaalka hogaamiyahan.

Inkasta oo kala qeyb-sanaantooda ay la xiriirto in ay ku kala jiraan xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, haddana mid ay ka siman yihiin baa jirta.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, qadiyadda ay ka mideysan yihiin ayaa ah in Soomaaliya ku jirto dalalka uu xayiraadda socdaalka saarey Trump.

Bishii September ee 2018-kii ayuu soo baxay go’aankaasi oo ka mamnuucaya muwaadiniinta Soomaaliya in ay galaan Mareykanka.

Sababtaas awadeed ayaa la sheegayaa in ay abaabulayaan dibadbax ka dhan ah safarka Trump, oo lagu wado in uu maalmaha soo aadan bilowdo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku howlan tahay sidii ay u qaadi lahayd xayiraadaas oo saameyn badan ku yeelatay muwaadiniin dhowr ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM