Doodii ugu kululeyd ee Amniga Muqdisho oo ka dhacday Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee ka tirsan Kalfadhiga 4aad ayaa waxaa Ajandaha ugu wayn uu ahaa Amniga caasimadda oo mudooyinkii dambe xumaa iyo midka guud ee dalka.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xaadir u ahaa kulanka, kaasoo ay dhagahiisa ku dhibcayeen dhamaan dhaliilaha loo jeedinayey xukuumadda uu ka tirsan yahay, taasoo la tilmaamay inay dol-duleeyo dhanka amaanka ay ka jiraan.

Sharci dejiyaasha ayaa dood kulul ka yeeshay nabad-gelyadda magaalada Muqdisho iyo tan guud ee dalka, iyaga oo shaaca ka qaaday in dowladdu ay ku fashilantay sugitaankiisa iyo la xifaaltanka weeraradda ka yimaadda xoogaga Al-Shabaab.

- Hadal-jeedinta Mudanayaasha -

Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux: "Dowlad waxaa lagu garanayaa inay iyadda dalka ka taliso, inuu shaqeeyo amarkeeda. Balse, taasi ma muuqato. Hadda dalka waxaa maamula Al-Shabaab, sababtoo ah iyaga [Shabaabka] ayaa loo cadaalad doontaa.

Xildhibaan Maxamed Ganey: "Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ka dhamaan la'yahay handadaad uu ku hayo madaxda maamul goboleedyadda xili amniga dalka uu faraha kasii baxayo. Kalsoonidii aan siinay waan ku hungownay. Fadlan Ra'iisul Wasaare is-casil waad fashilantay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi: "Ciidamo labo kun ah oo dalka Qadar loo qaaday xaalad ay ku sugan yihiin lama garanayo ma Al-qaaciddaa lagu daray, ma Suuriyaa laga dagaal geliyay, ma keliyihii ayaa lagala baxay, waan in baaritaan lagu sameeyaa".

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in uu jiro fashil amni iyo gaabis dagaalka Al Shabaab, isagoo xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya isaga soo baxeen ku dhawaad 30 goobood, oo dib ula wareegtay Al Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Isxaaq Afaraalle: "AlShabaab halkii iyaga weerarka lagu qaadi lahaa, iyaga ayaa wax soo weeraraya, taasi ma ahan wax sax ah, dowladda way gabtay shaqadeeda.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre: "Askari habeen iyo maalin taagan, kuma filna 100 dollar, waa in loo kordhiyaan, oo aan lacag fiican ansixinaa miisaaniyada soo socota.

Xildhibaan Caasha Koos: "Wadooyinka waxaan ku marnaa xiliyadda qaarkood waxaan nahay Hooyo Soomaaliyeed, sababtoo ah ma jiro Askari iyo Amni laysku halayn karo.

"Guryaheena waxaan ku joognaa Alle bari, Xilldhibaanadda waa inay is-ilaaliyaan, meel walba ayaa leysku dili karaa, hadii Madaxtooyadda agteeda Xilldhibaan lagu dhaawacay," ayay tiri Xildhibaanad Koos.

Doodan gollaha shacabka ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan hogaamiye-yaasha dowlad goboleedyadu sheegeen in amniga Muqdisho aan la isku halleyn karin, islamarkaana aan lagu qaban karin shirarka heerka sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM