Dowlada Mareykanka oo raadineysa hogaamiyaha Alshabaab

Image

Mareykanka ayaa malaayiin dollar oo abaalmarin ah u ballan qaaday cidkastoo sheegta akhbaar ku saabsan meelaha ay ku dhuumanayaan hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab.

Abaal marinta waxaa ka mid ah lix milyan oo dollar oo loo ballan qaaday qofkii sheega meesha uu ku sugan yahay hogaamiyaha kooxda ee abu Cubeyda.

Kumannaan qof ayaa la sheegaa in ay ku dhinteen weerarada kooxda Alshabaab ay ka fulisay kudaha Soomaaliya.

Sidoo kale dad badan ayaa ku dhintay weeraro ay ka fuliyeen dalalka Kenya iyo Ugandha oo ciidamo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Lixdan xubin ee la doondoonaayo waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro uu ka mid yahay kii jaamacadda Garisa ee bishii April.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegeysaa in raggan ay ka dambeeyaan bixinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo tababaridda xubnaha kooxda.

Abaalmarinta ugu badan waxaa la dulsaaray hogaamiyaha kooxda Abu Cubeyda.

Ninkan ayaa hogaamiyaha kooxda noqday markii la dilay sanadkii hore, hogaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha droneska Mareykanka ka fuliyeen soomaaliya.

Abu Cubeyda ayaa ku guuleystay in kooxda aysan ka go’in Al-Qacidda oo ay daacad u sii ahaadaan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in garab ka mid ah uu ku biiray kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM