​Dowladda Federalka oo taageertay Xilka qaadistii Madaxweynaha HirShabelle

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta caddeysay Mowqifkeeda ku aadan Khilaafka Siyaasadeedka xooggan, ee ka taagan maamulka HirShabelle.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa lagu shaaciyay in dowladda ay taageertay xilka qaadistii Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ay ku sameeyeen Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa loogu baaqay Barlamanka HirShabelle inuu ku qabto Doorashada Madaxweyne Cusub mudo 30 maalmood gudahooda laga soo billaabo markii Xilka laga qaadey Cosoble, 14-ka bishan August.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay kaloo ku baaqday in la dhisi Gudi Doorasho oo isku dheela-tiran, kaasi oo ka shaqeyn doono qabashada Doorasho xur iyo xalaal ah, iyadoo DFS dusha kala socon doonto.

Waxay dowladda soo dhawaysay go'aanka Gudoonka iyo Barlamanka HiShabelle, oo ah in Kursiga Madaxweyne ay u tartanto oo kaliya Beesha Xawaadle, ee uu kasoo jeedo Madaxweynihii xilka laga qaadey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM