​Dowladda oo codsatay in dib loo dhigo Kulanka Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka codsatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe inuu dib u dhigo Shirka Kismaayo, ee loo qabanayo iyada iyo maamullada.

Macluumaad hoose, oo Warsidaha Garowe Online helay, ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka biyo-diiday dalabka dowladda, isagoo tilmaamay in mar hore uu wargeliyay Madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Jubaland ayaa u sheegey Dowlada in iyagu la hadlaan madaxda maamulada baajiyaanna kulanka madaama isugu mar hore casumaad u fidiyey.

Xogta Garowe Online ayaa intaasi ku daraysa in dowladda Dhexe ay diidan tahay in kulanka la qabto inta ay taagan tahay Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex-aloosan Madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa inay suurgal tahay ineysan ka qeyb-galin Kulanka Kismaayo balse cadaadis ayaa waxaa uu ka haystaa beesha caalamka oo u aragta wadashaqeynta Dowlada iyo maamulada muhiim u tahay in dalka Somaliya helo dowladnimo dhab ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Haaf uu tagayo Madasha, iyadoo dowladda Federaalka taageertay go'aankii Xildhibaano xilka isaga uga qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaciyay todobaadkii tagey in Gogol u fadiniyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadii taageeray Xulufada Sacuudiga.

Maamullada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxay la safteen Sacuudiga iyo Imaaraadka, xilli ay dowladda Dhexe ka qaadatey Khilaafka Khaliijka Mowqif dhex-dhexaadnimo.

Mamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inaysan kala tashan go'aankeeda ku aadan arrimaha wadamada Khaliijka, sidaasi darteedna ay hareer-mareen mowqifka ay iska taagtay.

Khilaafka ugu weyn wuxuu hadda ka taagan yahay Galmudug, oo Madaxeeda isku qabteen taageeradii Xaaf u fidiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, kaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ka soo horjeesteen.

Baarlamaanka Galmudug ayaa ku kala qeybsamay Khilaafka Madaxda sare, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Cadaado Kulamo iska soo horjeeda, oo Xildhibaanada ay yeelanayeen.

Xildhibaanada taageersan Xaaf, ayaa sheegay inay Xilalkii ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne Ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey, halka kuwa kale ay iyaguna sheegeen inay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha.

Galmudug ayaa waxaa ka taagan hadda Fowdo iyo jahwareer Siyaasadeed, kaasi oo qeyb ka yihiin Madax sare oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo doonaya inay meesha ka saaraan Xaaf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM