Dowladda oo sheegtay inay dambi galeen wariyaasha la xiray [Dhagayso]

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Dowladda Somalia ayaa ka hadashay xarigga loo gaystay wariyaal ka tirsan Tv-ga Universal oo dhawaan lagu xiray magalada Muqdishu xarunta Somalia.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xasan Beekoos oo shir jara'id ku qabtay Muqdishu ayaa tilmaamay in wariyaashu dambi ka galeen Xukuumadda Somalia iyagoo baahiyay barnaamij iyaga ka dhan ah.

Ciddii dambi gasha ayuu agaasimuhu sheegay inuusan sharcigu cafin doonin, waxaana uu ku dhaliilay barnaamijkaasi inaan laga qayb galin cid difaacda xukuumadda xilliga doodu socotay.

02 Octobar, 2015 ayaa la xiray Agaasime Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo wariye Cawil Daahir Salaad.

Xildhibaanada dooda ka qayb galay oo la hadlay BBC-da ayaa tilmaamay inaysan sharci ahayn xarigga shaqaalaha Universal, isagoo tilmaamay inay ka hadleen xaqiiqooyin jira.

Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Somalia usoo jeediyay inaysan caburin saxaafadda, kana xunyihiin falka xukuumadda Somalia ku dhaqaaqday.

Maaha markii ugu horeysay ee xarunta Somalia xabsiga la dhigo wariyaal ka howl gala Muqdishu, waxaana falkan imaanayaa xilli DFS lagu dhaliilay inay ka gaabisay waxqabadkii looga baahnaa mudda uu xafiiska joogay Madaxweyne Xassan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM