Dowladda Somalia oo beenisay in London lagu xaraashayo Shidaalka dalka

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasaarada Bartoolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ayaa beenisay shirka looga hadlayo arrimaha Shidaalka dalka ee ka furmaya magaalada London bisha dambe uu yahay mid "lagu xaraasho" kheyraadka Saliida ee wadanka.

Sida ku cad war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada, shirkaan oo ay kasoo qaybgalayaan shirkado arrimahaan ka shaqeeya waxaa uu yahay mid suuq-gayn loogu raadinayo qodista shidaalka dalka.

Madax ka socda maamuladda xubnaha ka ah dowlada dhexe ayaa si lamid ah ku wehlin doona wasaarada oo shirkaan isku soo dabariday.

Mudada uu shirku socdo waxay sidoo kale xukuumadu kusoo bandhigi doontaa macluumaadka sahan oo ay sameeyeen shirkadaha, sida laga oo xigtay war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

"Si loo bixiyo rukhsad shidaal qodis waxay qaadaneysaa ku dhowaad Hal sano. Markii la bixiyo shatiga waxay qaadaneysaa howsha shidaal qodista waxay qaadaneysaa 5-sano," ayaa lagu uyiri warka kasoo baxay wasaarada.

Bishii June 2018 ayay ahayd markii shir ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay hogaamiyaasha DF iyo maamulada ku kala saxiixdeen heshiiska wadaagista kherydaadka dalka.

QORAALKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR:

Waxaa lagu wadaa in la qabto 07 Febraayo oo ku beegan maalin ka hor sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, xaraash (auction) xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

Xaraashka (auction) ayaa dhacaya iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05/06/2018 Magaalada Baydhabo ku gareen dawlad federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska oo loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya in

1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin.

2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin.

3- In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin

4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
Lama dhisin.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM