Fahfaahin ku saabsan Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhashay gaari lagu soo rakibay waxyaabo qarxa ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen Booliska

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo ahaa nooca Toyota Hilux ayaa ku qarxay albaabka Premier bank, waxaana goobta gaarey gaadiidka gurmadka deg dega, oo Isbitaal u qaadey afar ruux oo dhaawac ah.

Lama ogga cida uu ahaa bartilmaameedka qaraxa, kaasoo kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay caasimada martigelinaysay qaraxyo noocaan ah oo baabuurta lagu xiro.

Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyadda baabuurta lagu xiro ee loo yaqaano dhejiska ku beegsata shaqaalaha dowladda, Hay'adaha iyo suxufiyiinta ka howlagala magaalada.

Isgoyska Taleex, ee degmada Hodon oo ah meel mashquulkeedu badan yahay ayaa waxaa fariista ciidamada booliska dowladda Federaalka, oo gaadiidka raaxadda ku baara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM