Fariin uu soo diray Boqor Salman oo lasoo gaarsiiyay Farmaajo [DAAWO]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu horkacayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Africa ee Boqortooyadda Sacuudiga, Ahmed bin Abdulaziz Kattan ayaa shalay soo gaarey magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiiru dowlaha ku qaabiley Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay yeesheen kulan gaaban oo ay ka qeybgaleen Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubo kale.

Ahmed bin Abdulaziz Kattan ayaa u gudbiyay Farmaajo Fariin qoraal ah uu uu ka wadey Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/Casiis, iyadoo uu ka laabtey isla Garoonka Muqdisho, iyadoo uu diiday inuu u gudbo Villa Somalia.

Villa Somalia ma aysan fahfaahin waxyaabaha ay xambaarsan tahay fariinta boqor Salman ee loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sacuudiga ayaa hoos u dhigay xiririka dowladda uu hogaamiyo Farmaajo islamarkaana hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray kadib markii Villa Somalia ay dhinaca Qatar u janjeertay markii uu billowday Khilaafkii dalalka Khaliijka June 5, 2017.

HALKAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo soo tarxiilay dhalinyaro Soomaali ah

Dhalinyarada Muqdisho lagu soo celiyay ayaa la sheegay inay isugu jiraan 25 wiil iyo 25 gabdhood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 11:51AM

Turkiga oo Xoojinaya Joogitaankiisa Militeri ee Soomaaliya si uu u Ilaashado Maalgashigiisa

Joogitaanka Turkiga ayaa si gaar ah xoog ugu yeeshay dhinaca amniga. Ankara waxay Soomaaliya ka dhistay xerada TURKSOM ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 06:05AM