Farmaajo: Dadkeenu waa in ay kala doortaan Gaajo iyo Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu maanta kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha.

Farmaajo ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19.

Hogaamiyaha dalka ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

Masuuliyiinta iyo xubnahan ayuu kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah.

Gaajo ama Coronavirus?

Intii uu kulanku socday, wuxuu qiray in dowladdu aysan ku amri karin dadweynaha in ay guriyahooda joogaan maadaama nolol-maalmeedkooda kusoo heleen shaqooyinka maalinlaha ah, xukuumadana aysan damaanad-qaadi karin.

"Aduunyadda horumartay waa sameyn karaan haddii ay rabaan, maxaa yeelay dadkooda horey ayay meel wax u dhigteen, dowladahooda dhaqaale ayay intaasoo sano ka uruurinayeen canshuur, dhaqaalo ayay meel u dhigeen, oo qofka gurigiisa ayaa cunto loogu geynayaan, annaga awoodaas ma lihin taas ayaa keeneysa in dadka aan oran karin jooga guriyihiina," ayuu tibaaxay.

Wuxuu ku daray: "Marka waa in ay kala doortaan Gaajo iyo Coronavirus. Annagii hadaan awoodeyna ay gaarsiisanaan lahayd ama dhaqaalihii ay aad u shaqeyn lahaayeen aabayaasheenii ama awoowayaasheenii oo aysan waxba naga burburi lahayn oo dowladnimada ay ahaan lahayd mid dadka u shaqeysa oo aan laga shaqeysan oo hufnaanta ugu horeysa, dowwladda waxay lahaan lahayd keyd dhaqaale oo marka ay xaaladan oo kale timaado dadka lagu qasbi karo in ay guryaha joogaan".

Balse taas bedelkeeda wuxuu ku booriyey shacabka gaar ahaan dhalinyaradda in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana ay qeyb ka qaataan wacyi-gelinta looga hortagayo faafitaanka cudurka.

Sidoo kale, wuxuu si cad daaha uga rogay in aysan ganacsatada ku amri karin in aysan ka faa'iideysan Coronavirus, balse wuxuu ku waaniyey in aysan ku dhaqaaqin talaabo noocaas ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayuu ku tartarsiiyey in ay sameyso warbixino maalinle ah oo ku saabsan xaalada guud ee waddanka, iyaddoo kaashaneysa warbaahinta maxaliga ah iyo tan dowladda.

Culimada iyo saxaafadda madaxa banaan ayuu dhankooda ka codsaday in ay xoojiyaan buraarujinta rayidka si sarre loogu qaado wacyiga dadka ee fahamka guud ee halista uu leeyahay fayruska.

Qirashada madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan in aan dadweynaha lagu amri karin in ay joogaan guriyahooda ayaa kusoo aadeysa xili dowladda ay qorsheysay bandow ay kusoo rogto magaalada Muqdisho, taas oo ay fulintiisa ay u adeegsaneyso ciidamadda, balse isku daygii koowaad dhaqan-gelintiisa uu fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM