Farmaajo oo ka hadlay nidaamka Federaalka xilli uu khilaaf jiro

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa Arbacadda maanta ah wuxuu si rasmi ah u daah-furay Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda oo wadooyinka qaar ee caasimadda loo xiray ayaa ka qabsoontay Dugsiga Tababarka Booliska. Marti sharaf ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa kasoo muuqday xafladda.

Farmaajo oo khudbad socotay in ka badan tobban daqiiqo ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, nidaamka federaalka iyo dhaqaalaha.

- Nidaamka Federaalka -

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay nidaamka Federaalka ayaa yiri "Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go'aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka."

Isaga oo u muuqda mid ka jawaabaya eedeymo loo jeediyay dowladiisa oo ku saabsan in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka, Farmaajo ayaa meesha ka saaray arrintaasi, wuxuuna caddeeyay aragtidiisa.

"Nidaamka federaalka, Umadda Soomaaliyeed ayaa ku heshiisay in uu noqdo hab-maamulkeeda. Dowlad ama koox gaar ah waxba kama bedeli karto illaa iyo ay iyaddu go'aansato in ay wax ka bedesho," ayuu yiri.

Dadka naqdiya siyaasadda xukuumadda talada haysa ayaa rumeysan in dowladda Farmaajo ay iyadu mas'uul ka tahay xaaladda jahwareerka siyaasadeed ee waqtigan ka jira wadanka, iyo khilaafka ka taagan hergelinta nidaamka Federaalka.

"Dastuurkeena ayaa kala xadidaya awooda maamulada iyo dowladda federaalka; siyaasada arrimaha dibada iyo ilaalinta midnimada waxaa mas'uul ka ah dowladda federaalka," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhinaca kale, Farmaajo oo rajo wanaagsan ka muujiyey in dalka laga cafiyo deynta, ayaa Xildhibaanadda ku booriyay in ay meel-mariyaan xeerarka horyaala iyo kuwa cusub ee la horkeeni doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM