Farmaajo iyo Geelle oo si wadajir ah xariga uga jaray Safaaradda Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha Safaaradda cusub ee Jabuuti.

Wadooyinka ayaa xiran maalintii labaad waxaana la dhigay ciidamo boolis iyo miliatary isagu jira, iyadoo shacabka ay lugahooda maalayaan si ay goobahooda waxbarashada, caasimaadka iyo shaqooyinka u garaan.

Furitaanka Safaaradda cusub oo laga dhisay degmada Cabdicasiis waxaa ka qeybgalay madax sare oo ka kala tirsan labada dowladood, diblumaasiyiin iyo saraakiil kale.

Madaxweyne Geelle ayaa maanta la filayaa inuu ka qeybgalo furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacaysa xarunta tababarka ciidamada ee Jeneraal Kaahiye.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kuwaasoo ka howlagalaya gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM