Farmaajo oo baajiyay safarkiisa Burundi [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday safar la filayay in maanta oo Axad ah ugu ambabaxo wadanka Burundi.

Illo ku dhaw Villa Soomaaliya ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay baaqshada Farmaajo ee socdaalkiisa Burundi, halkaasi oo la qorsheynayay inuu ka qeybgalo ciyaarta Final-ka ah ee dhex-mari doonto galabta xulalka qaranka Soomaaliya iyo Tanzania.

Madaxweynaha ayaa u diraya Burundi wafdi ka socda Xukuumadda oo ay hogaaminayaan Ra'iisul Wasaare ku xugeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, iyo wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye.

Baaqashada safarka Madaxweynaha ayaa timid kadib markii dad badan si aad ah baraha bulshada uga hadleen socdaalkiisa Burundi, oo ay sheegeen inuu ka mudan yahay inuu booqdo dadka fatahaadda saameysay.

Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga dowladda ee ku wajahan Beledweyne, halkaasi oo boqolaal kun oo Soomaali ah uga barakacay fatahaadda wabiga Shabeella, kuwaasi oo ku dhibaataysan hadda banaanka magaalada.

Shacabka ku nool hareeraha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee mara HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ah ku uga daran ee fatahaadda ay saameysay, kadib markii uu goobahaasi ka da'ay roobab mahiigaan ah bishan gudaheeda.

Hay'adaha caalamiga ayaa ka digaya cudurro ka dhasha biyaha fatahaadda, waxaana ay sheegeen in meelaha qaar ee dadku ay ku dhibaataysan yihiin sida Beledweyne iyo Goobaha Al Shabaab ay maamusho in gurmad bini'aadanimo la gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM