Cumar Filish oo loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed [Filish].

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng.Yarisow].

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Farmaajo ayaa u rajeeyay Filish in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Marxuum Yariisow ayaa bishii hore u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerar ay Al-Shabaab ku qaadey xarunta gobolka Banaadir, halkaasi oo mas'uuliyiin kale lagu khaarijiyey.

Sidda ay sheegeen laamaha amniga, weerar kamid ahayd shaqaalaha gobolka ayaa fulisay is-miidaaminta oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta gobolka Banaadir.

Magacaabidan ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo isbedel lagu sameeyay taliyeyaasha Ciidamadda Qalabka, kuwaasi oo loo magacaabay hogaan cusub. [Halkan ka akhriso]

Cali Filish, marka dib loo eego taariikhdiisa, ayaa waxa uu soo noqday Xildhibaan si lamid ah waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii waddanka soo maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM