Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay diblumaasiyiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo oo habeenimadii Isniinta Villa Soomaaliya ku qaabilay diblumaasiyiinta magaalada Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

In ka badan saddex bilyan oo qaan ah ayaa lagu leeyahay wadankan ah, iyadda oo dowladda haatan jirta ay dadaal ku bixisay sidii looga dhaafi lahaa, wallow aysan waxba ka qaban arrimo ka muhiimsan sida amniga.

Hogaamiyaha dalka Geeska Afrika dhaca ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay "ka guuleysaneyso cadowgeeda iyo kooxaha argagixisada ah" inkasta oo maamulkiisa uu ku dhabeyn waayey in Al-Shabaab dalka kaga xoreynayo laba sano.

Hadalka ku aadan "cadowga" ayaa imaanaya xili ay taagan tahay xiisad dhanka badda ah oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya taasoo maxkamada ICJ ay dib u bilaabeyso dhageysiga dacwadiisa bisha September.

Khudbad uu madaxweynuhu u jeediyey diblumaasiyiinta oo dhameystiran hoos ka akhriso


Mudanayaal iyo Marwooyin

Aan fursaddan uga faa’idaysto inaan idinku soo dhaweeyo Villa Soomaaliya. Run ahaantii waan ku faraxsanahay inaan idinku martigeliyo halkan si aad noogala qayb qaadataan dabbaaldegga sannad-guurada 59-aad ee soo wareegtay madaxbannaanideenna. Soomaalida ku dhaqan daafaha caalamku waxay munaasabaddan qiimaha leh u dabbaaldagayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan. Waa damaashaad Soomaalida ugu suntan rajo iyo farxad.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guulo waaweyn intii aan talada hayay, walow ay caqabado jiraan.

Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) oo meel fiican maraya.

La dagaallanka musuqmaasuqa iyo dib u habaynta hannaanka dowladnimada ayaa dowladdeenu suurtageliyay inay si joogto ah u bixiso musharaadka shaqaalaha dowladda iyo in meesha laga saaro dhaqaalihii yaraa ee aan haysannay ee la lunsan jiray. Waxa intaasi dheer, dowladdaydu waxay ku guulaysatey inay xalliso god-daloolooyinka hannaanka maaliyadda. Waxaa naga go’an inaan Beesha Caalamka kala shaqaynno dib u habaynta hannaanka dowladnimada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Marka laga yimaaddo caqabadaha dhanka amniga, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal ifaya. Tan waxa caddayn u ah doonista xooggan iyo adkaysiga shacabkeenna oo si adag uga hor yimi argagaxisada. Mar labaad ayaan doonayaa inaan hoosta ka xarriiqo in Dowladda Soomaaliya ay ka guulaysanayso cadawgeeda, ayna ka go’an tahay inay horumar ka gaarto dhan walba.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan jeclaan lahaa inaan Beesha Caalamka uga mahadceliyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay ku kaalmaynayso shacabkeenna. Waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalkiinnu noqon doonin hal bacaad lagu lisay. Taageeridiinnu waxay qayb libaax ah ka qaadatay horumarka aan gaarnay sannadihii la soo dhaafay. Halkan waxaan u joognaa inaan saaxiibadeenna caalamka kala shaqaynno sidii mustaqbal fiican loogu abuuri lahaa dadkeenna.

Ugu dambayntii, dowlad iyo shacabba waxa naga go’an inaan dalkeenna hore u dhaqaajinno, isla markaasna aan dhisno dal dhexdiisa nabad ah, dalalka deriskana nabad kula nool.

Mahadsanidiin


Munaasabada ka qabsoontey Madaxtooyadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilada diblumaasiyadeed ee wadamada caalamka u fadhiya iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM