Farmaajo oo ku wajahan Eritrea iyo ujeedka safarkiisa oo la ogaadey

Image

ASMARA - Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa booqasho ku tegi doona maanta oo Arbaco wadanka Eritrea, sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Itoobiya ee FANA.

Yamane Meskal, oo ah Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu qayb ka noqonayo shir ay wada qaadan doonan Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxwayne Isaias Afwerki, kaasoo Gelinta dambe ee maanta qabsoomaya.

Farmaajo oo kasoo kicimaya caasimadda wadanka China, halkaasoo uu uga qeybgalay shirka 7aad ee Madasha Iskaashiga China iyo Afrika ayaa socdaalkiisa Eritrea wuxuu unoqonayaa markii labaad oo uu tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Safarkii Farmaajo ee bishii July ayaa heshiis kula soo saxiixday Asmara Isaias Afwerki kaasoo ku saabsan amniga dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka labadda xili Farmaajo intii uu ku sugnaa Asmara uu ugu baaqay UN-ka in cunaqabaynta laga qaado Eritrea.

Jabuuti ayaa cabasho ka muujisay hadal Madaxweyne Farmaajo ka sheegey Asmara kaas oo ahaa in Qaramada midoobey cunaqabateynta ka qaadaan dalka Eritrea iyadoo u yeeratey safiirkeedii ka fadhiya magalada Muqdisho. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u tagey dalka Jabuuti isagoo kulamo la qaatey Ismaaciil Cumar Geele balse wax war ah kama soo bixin labada dhinac.

Warar ayaa sheegaya in kulankaas dalka Jabuuti ka dalbadey dalka Soomaaliya inuu raali galin ka bixiyo hadalkii kasoo yeerey Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa wadey barnaamij wadahadal loogu sameynayo magalada Muqdisho Madaxweynaha Eritrea iyo Jabuuti balse lama oga in soo jeedintaas aqbashay.

Jabuuti ayaa waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidamo Nabad ilaalin ah oo ka tirsan Amisom kuwasoo gacanta ku haya amaanka gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM