Farmaajo oo ku wajahan Sacuudiga iyo wafdi hordhac ah oo kahor maray

Image
Image

RIYADH - Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Sacuudiga ayaa gaarey magaaladda Jeddah, iyadoo King Abdulaziz International Airport ay kusoo dhaweeyeen diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya.

Wafdigan oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga, Maxamed Abukar Islow ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, waxaana ay u tageen Jeddah inay u gogol xaaraan soo dhaweynta Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu casuumay kulanka degdeg ah ee madaxda Jaamacadda Carabta, oo isagu yaarey Boqor Salman kaasoo looga hadli doono xiisadda gobolka Bariga Dhexe ee u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda uu ka ambabaxi doono Muqdisho, maadaama Shirka uu maalinta berri ah, 30-ka May ka furmaya magaaladda Jeddah.

Farmaajo ayaa maalin kahor kasoo laabtey safar uu ku tagey dalka South Africa, isagoo magaaladda Pretoria uga soo qeybgalay caleema-saarka Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo mar labaad dib loo doortey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM