Farmaajo oo la kulmay Guterres xilli ay jirto xiisad ka dhalatay eryidii Haysom

Image

ADDIS ABABA - Madaxwaynaha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada Addis Ababa, caasimada Itoobiya, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan shir madaxeedka Midowga Afrika.

Villa Somalia ayaa shaacisay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo António Guterres ay ka wada hadleen xoojinta cilaaqaadka UN iyo DFS, kaasi oo mad-madow uu soo galay tan iyo eryidii Haysom.

Geesta kale, bayaan kasoo baxay UN-ka ayaa lagu xusay in Guterres uu bogaadiyay ajendaha XFS ee dib u habeynta, isaga oo hoosta xariiqay muhiimada dhaqan-gelinta qorshayasha amniga, cadaalada iyo siyaasad loo dhan yahay.

"Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa inay si dhow ula shaqeysaa maamulada xubnaha ka ah," ayuu Guterres ku tartarsiiyay Farmaajo, sida laga soo xigtay qoraalka Qaramada Midoobay.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa carabka ku adkeeyay inay sii wadayaan wadashaqeynta xoogan oo ay la leeyihiin ciidamada xooga dalka, AMISOM iyo saaxiibada caalamka.

Guterres ayaa farxad ka muujiyay naf-hurnimada dowlada u gashay badqabka shaqaalaha UN-ka ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo mararka qaarkood wajahay weeraro uga yimaada Al-Shabaab.

Bishii hore ee Janaayo ayay ahayd markii weerar madaafiic lagu beegsaday dhismaha QM ee Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhashay dhaawaca 3 ruux iyo burbur soo gaarey qaar kamid ah xafiisyadda.

Weerarkaasi ayaa yimid maalin kadib markii ay dowladdu eriday wakiilkii xoghayaha guud ee UN, Nicholas Haysom, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay madax banaanimada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa si wayn kaga xumaatay talaabadaasi, iyaga oo ay ku noqotay layaab, sida uu ka dhawaajiyay safiirkii hore ee Ingiriiska u fadhiyay Muqdisho, David Concar, kaasi oo qiray inuu socdo wadahadal.

Xoghaye Guterres ayaa dhowaan iclaamiyay inay soo magacaabayaan ergaygii bedali lahaa Haysom, iyada oo illo wareedyo dhinaca diblumaasiyada ah ay tilmamaayan in arrintaan ay kawada hadleen Farmaajo iyo madaxda UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM