Farmaajo oo la kulmay madaxda dalal uu hardan ka dhaxeeyo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axadii wuxuu Addis Ababa kula kulmay ra'iisul wasaareyaasha Canada iyo Norway. Dalalkan waxaa ka dhaxeeya hardan adag.

Xafiiska saxaafadda ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baahiyey in uu Justin Trudeau iyo Erna Solberg kala xaajoodey xiriirka labada dal, dagaalanka argagixisada iyo deyn cafiska.

Trudeau ayaa sheegay in ay kawada hadleen Farmaajo iskaashi ay ka yeeshaan dhanka dhaqaalaha iyo rabitaanka Canada ee gudoonka Guddiga nabad-dhisida Qaramada Midoobay.

Marka laga soo tago in ay olole ugu jirto jagadaas, Canada ayaa sidoo kale u sharaxan in ay sanadkan 2020 kamid noqoto Golaha Ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Norway ayaa ah dalka ugu badan ee xilfaaltanka uu kaga imaanayo, kaasoo qudhiisa olole balaaran wada.

Ma cadda hadii Justin Trudeau iyo Erna Solberg ay Farmaajo kusoo qaadeen arrintaas isla markaana ay waydiisteen in ay helaan codka Soomaaliya. Coddeynta waxay dhaceysaa June.

Solberg iyo Trudeau ayaa ujeedka ka qeybgalkooda Shirka 33aad ee madaxda Midowga Afrika wuxuu daaran yahay sidii ay wadamada taageero uga heli lahaayeen kahor doorashada.

"Canada waxay u dooneysaa in ay xubin ka noqoto Golahaas, sababto ah waa meesha looga doodo arrimaha hor-tabinta leh ee caalamka. Waxaana rabnaa in aan ku meelmarino ciyaarteena," ayuu yiri Trudeau.

Golaha Ammaanka ee Qaramada MIdoobay oo ka kooban 15 xubnood ayaa tobban kamid ah waxay yihiin kuwa sanadkiiba mar lasoo doorto, halka shanta xubnood kale ay joogto yihiin.

Sanadkii 2010-kii ayay ahayd markii Canada ay ku guuldareystay in ay hesho xubinimadda kadib markii ay ku fashilantay in ay taageero ka hesho inta badan dalalka qaaradda Afrika.

Soomaaliya oo aan si u caddeyn karin mowqifkeeda isla markaana saaxiibo la ah Norway iyo Canada ayaa mid walba oo kamid ah dalalka waxay ka heshaa taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM