Farmaajo oo lagu eedeeyay in ay "diimeeyay" khilaafka siyaaasiga ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya ayaa diimeysay khilaafaadka siyaasiga ah iyaddoo uga dan leh in ay ku xalaaleysato dhiiga dhinacyada kasoo horjeeda, sidda uu shaaciyey lataliyihii hore ee amniga Qaranka.

Xuseen Macalin Maxamuud, agaasimaha machadka daraasaadka amniga ee Hiraal oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Goobjoog, ayaa ku baaqay in laga hortago halistan "dhifka ah kahor inta aysan xidideysan".

"Waa arrin ugub ah oo naxdinteeda ah in siyaasadii ay siyaasiyiinta Soomaaliya isku hayeen la diimeeyo iyaddoo waliba diintaas cunfi looga dan-leeyahay oo dhiig xalaaleysi looga dan-leeyahay," ayuu yiri isagoo Culimada ku booriyey in ay siyaasiyiinta uga khilaafkooda ay gaarsiiyaan "heer dhiig-baneysi".

Falanqeeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray: "Arrintaas waxay ku cadahay Villa Soomaaliya [ama] madaxweyne Farmaajo in isaga uu ka dambeeyo".

Dhawaqa Xuseen ayaa imaanaya maalmo kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu isagoo daliishanaya Aayad Qur'aan ah uu murashaxiinta madaxtinimada tartanka 2020-21 ku qeexay "munaafaqiin".

Filish oo ka hadlayey shir ay Villa Soomaaliya amartay in la agaasimo ayaa ku goodiyey in la beegsan doono murashaxiinta u hanqal-taagaya in ay xukunka ka tuuraan Farmaajo "hadii ay isku dayaan khal-khal gelinta caasimadda".

Si lamid ah, digniinta Xuseen ayaa kusoo hagaageysa xilli dhowaan mudaaharaad ka dhacay gobolka ay dowladda waqtiga kasii dhamaanayo xoog ku qabsatay ee Gedo "diinta iyo waddaniyada looga saarey mucaaradka".

Todobaadkii hore, Masjidka Marwaas ee Muqdisho waxaa laga qanuunadey murashaxiinta mucaaradka iyadoo laga ammaanay madaxweyne Farmaajo. Talaabadaas waxaa la sheegay in ay Villa Soomaaliya isku dabariday.

"Arrimahaas waa ugub, waa wax aan siyaasadeen horey ugu jirin. Waxaana qurux badan inta aysan raad iyo xidido yeelan la joojiyo," ayuu Xuseen xusay.

Tan iyo markii xafiiska uu yimid Febraayo, 2017, madaxweyne Farmaajo ayaa aad ugu mashquulay sidii uu u soo laaban lahaa doorashadda 2020-21, waxaana muuqaneysa qorshahaas uu fashil ku dhow yahay maadaama la diidey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM