Bayaan "Qaylo-dhaan Qaran ah" kana dhan ah Farmaajo oo lasoo saarey

Soomaliya
By WARIYAHA MUQDISHO , GAROWE ONLINE
Siyaad Barre oo lagu soo saarey bayaankii koowaad ayaa markii uu u hogaan-sami waayey dalka u horseeday burbur iyo colaad.

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo mustaqbalka Soomaaliya uu shaki sii gelayo sabab la xiriirta in ay waqtigooda ku dhici karaan doorashooyinka soo aadan, aqoon-yahano iyo indheer-garad ayaa soo saarey bayaan "qaylo-dhaan qarankii labaad" taariikhda guud ahaan waddanka.

Bayaanka oo nuqul kamid ah loo diray xafiisyadda madaxweynaha dalka, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa xoojinaya dooda ka taagan siyaasada gudaha, wuxuuna qeexayaa dhabaha ay tahay in loo mari karo xalka "xaaladda cakiran".

"Hannaankii siyaasaddeed ee dalku wuxuu noqday mid hareer marsan hab ku dhisan dowlad-wanaag (daahfuraan iyo islaxisaabtan) iyo istiraatiijiyad guud oo taabba-gelinaysa dhismo dawlad saldhigeedu yahay u adeegdida ummadda Soomaaliyeed," ayay sheegeen.

Saxiixayaasha bayaanka ayaa isugu jira aqoonyahano iyo wax-garad qayb ka ahaa qaylo-dhaantii koowaad oo soo baxday bishii May sanadkii 1990-kii, waxaana loo diray madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ay u jeediyeen "talooyin dalka looga badbaadinayey dagaal sokeeye".

Hoos ka daalaco bayaanka

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadulaahi Maxamed Farmaajo

Ku: Wakiilka Ergeygs Qaramada Midooby u Fadhiya Soomaaliya Danjire. James Swan

Og: Dowladaha Saaxiibada ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah

Ujeeddo: Talooyin Lagu Gaari Karo Sulux Dhammaystiran iyo Dib u Xasilinta Qarannimada Soomaaliya

Muddo hadda laga joogo 30 sannadood, ayaa muwaadiniin Soomaliyeed soo saareen “Bayaanka Muqdisho ee 1-aad (Manifeesto 1), xilligaa oo ku aaddaneyd bishii May 1990. Bayaanka 1aad waxa uu xambaarsanaa talooyin lagu badbaadinayo dalka. Soddon sano kadib, waxa uu dalku marayaa marxalad iyo xaalad la mid ah tii uu Bayaankii 1-aad uu ka digay 30 sannadood ka hor. Ma filayno in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, uu maanta indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku ku sugan yahay . Waxaa marag ma doonto ah in maanta dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dib-u-yagleelidda hannaankii dowladnimo.

Waxaa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowladnimada, sida Baarlamaanka Federaalka iyo Garsoorka dalka, oo baal maray shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight). Hannaankii siyaasaddeed ee dalku wuxuu noqday mid hareer marsan hab ku dhisan dowlad-wanaag (daahfuraan iyo islaxisaabtan) iyo istiraatiijiyad guud oo taabba-gelinaysa dhismo dawlad saldhigeedu yahay u adeegdida ummadda Soomaaliyeed.

Maqnaanshaha dowlad ka tarjunta rabitaanka shacbiga, waxay horseedday oo caqabad weyn ku noqotay, shakina gelisay qabsoomidda doorashada 2020/2021, dhismaha Ciidan Qaran, Sugidda Amniga dalka, dhameystirka Dastuurka, la dagaalanka musuqmaasuqa, , isku milanka Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Fulinta, maqnaashaha Maxkamadda Dastuuriga, dhamaytir la’aamta xeerarkii iyo shuruucdii dalka, gelitaanka hashiisyo caalmi ah oo qarsoodi ah, oo aan la horkeenin Baalrmaanka Federaalka. Taasoo ay dheer tahay gaabiska iyo dibudhaca ragaadiyay dedaaladda lagu horumarinayo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowladda Federaalka iyo qorshe waaqici ah oo ku aadan wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaalilaand.

Haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya waxaa haleelay cudur guun ah oo dhidibbada aastay. Waxaa dayac noqday dhammaan adeegii bulshada. Dadka Soomaaliyeed in ka badan 70% waxay ku nool yihiin meel ka hooseysa khadka saboolnimada. Jaan-tuska lagu cabbiro nolosha dadyowga dunida, (189 dowladood), Soomaaliya waxay tirsiga kaga jirtaa kaalinta 185-aad. Shaqo la’aanta dalku waxa ay sare u dhaaftay 70%. Sidoo kale 75 % da’yarta Soomaaliyeed ma helaan fursad waxbarasho, mana ay jirto qorshe dowladeed oo leh istraateejiyad lagu guto xuquuqda ay caruurta u leeyihiin waxbarshada. Taasi oo mugdi gelinaysa mustaqbalka dalka. Waxa jira qaxooti Somaaliyeed oo kor u dhaafay hal malyan iyo barakacayaal dalka gudihiisa ah oo lagu qiyaasay 2.6 millyan, oo u badan dad nugul (caruur, haween ibo waayeel). Barakcayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin arrimaha aysan dowladdu wax xil ah iska-saarin, qorshana u dejin.

Dib u dhaca ku yimid arrimahaas oo dhan, wuxuu wiiqay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed uu ku qabay Dawladiisa. Iyadoo taladii dalka ay ku soo ururtay xayndaab kooban. Wax kasta oo masiirkii dalka ahna wuxuu noqday mid ku xiran go’aanka dhowr qof oo saaxiibbo ah. Waxaana halkaas ku qiima beeley mabaadii’dii talawadaagga ee dalku uu ku xasili lahaa iyo xeerkii hannaanka federaalka ee lagu heshiiyay. Dhawaaqa xisbiyada mucaaradka ah, diidmada Puntland iyo Jubaland ee go’aamada dowladda federaalka, tabashada baahsan ee shacbiga Soomaaliyeed, dooddaha ay aqoonyahannadu ku dhaliilayaan dowladda, welwelka beesha caalamka, iyo kuwo kale oo la hal-maala, waxaa u sabab ah gaabiska dowaladda iyo jahawareerka madaxda sare ee dalka. Xiriir-xumida u dhexeeysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, waxay fashillisay, xoraynta iyo gacan ku haynta deegaanada Xarakada Al-shabaab ay maamusho.

Haddaba annaga oo ah dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxaan u aragnaa in xaaladda Soomaaliya kal dhow iyo mid dhexeba dhanka Siyaasadda iyo Amniga ay ku jirto degganaan la’aan ku xayndaaban dib u dhacyo badan oo is biirsaday. Danaysiga, musuqa, dulmiga baahsan iyo cadaalad-darridu waxay dhalisay in ay hor-joogsato qorsho walba oo lagu gaari lahaa dhismo dowlad ka tarjunta islamarkaana u adeegta shacbiga Soomaaliyeed. Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay u itaagto badbaadinta dalka, islamrkaana taageeraan the baaqa Manifesto II.

Talo soo jeedin:

In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah hannaanka Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, ee ku dhisan dib-u-heshiisinta iyo talo-wadaagga, kaasoo ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay 20 sannadood ka hor, lagana fogaado siyaasadda ku salaysan wada tashi la’aanta baalmarka dastuurka dalka iyo nidaamak federaalka

In kulan wadatashi oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (political agreement), lagaga arinsado qabsoomidda doorashada 2020/2021.

In doorashada 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, kuna timaado is faham iyo wadatashi dhexmara Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Liiska saxiixayaasha bayaanka 2aad ee "Qaylo-dhaan Qaran"

1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1

2. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex Manifesto 1

3.Cabdi Muuse Mayow,

4. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1

5. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967

6. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle

7. Faysal Cabdi Rooble

8. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi

9. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko)

10. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland

11. Eng. Axmed Warsame Abtidoon

12. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya

13. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji)

14. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS

15. Dr. Xasan Sheekh Cali

16. Avv. Shamso Sheekh Xasan

17. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

18. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan

19. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish)

20. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka)

21. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS

22. Eng. Axmed Sabriye Siyaad

23. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar)

24. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan

25. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1

26. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen

27. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar)

28. Abuukar Maxamed Cali

29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore

30. Dr. Aweys Cumar Maxamed

31. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella)

32. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland,

33. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug

34. Axmed Cabaas Axmed

35. Avv. Cabdiraxmaan Faarax Qaarey

36. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland

37. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan

38. Daahir Mire Jibriil

39. Eng. Siciid Xaaji Cabdi

40. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan

41. Dr. Cumar Cabdi Barre

42. Dr. Aadan Maxamed Ciise

43. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux)

44. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan

45. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud

46. Dr. Axmed Cabdalla

47. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame

48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub)

49. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed

50. Prof. Asad khaliif Cali-weyd

51. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla

52. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe

53. Dr. Bashiir Cali Biixi

54. Dr. Faarax Axmed Warsame

55. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf

56. Dr. Axmed Cali Yuusuf

57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul

58. Dr. Maxamed Xuseen Aadan

59. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle

60. Amb. Yusuf Xaaji Siciid

61. Amb. Cabdikariim Aw-Cali

62. Mahad Maxamed Warsame

63. Ismaaciil Xaaji Warsame

64. Ciise Dhoolawaa

65. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele

66. Axmed Siyaad Bile

67. Cabdullaahi Saalax Cismaan

68. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac

69. Dr. Saadiq Eenow

70. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan


Bayaankii koowaad ee "Qayl-dhaan Qaran" ayaa loogu dalbaday Siyaad Barre in uu xukunka dego, waxaana lagu eedeeyay in uu maleegay dambiyo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed. Balse markii uu diidey in uu xafiiska baneeyo, waxaa waddanka uu lugaha la galay colaad sokeeye.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey