Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Image

MUQDISHO - Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedaymo culus u jeediyay dowladda Turkiga, isagoo ku tilmaamay inay door weyn ka qaadatay hawlgalkii ciidamada dowladda Federaalka ay kula wareegeen magaalada Baydhabo, kaas oo horseeday iscasilaaddii madaxweynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Prof. Samatar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ankara ay adeegsatay diyaaradaheeda drones-ka iyo kuwa qumaatiga u kaca si ay dusha uga ilaaliyaan ciidamada dowladda ee ka amba-baxay Muqdisho, isagoo ku dooday in ujeedada Turkigu ay tahay sidii uu u heli lahaa maamul isaga u fuliya danihiisa gaarka ah si uu u boobo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Senator-ka ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay inuu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee dalka soo mara, maadaama uu adeegsanayo cudud milatari oo shisheeye si uu u meelmariyo damaciisa siyaasadeed, taasna ay dib u hurinayso colaadihii sokeeye ee dalka ka jiray.

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka, iyadoo la dareemayo jawi kala guur ah ka dib isbeddelkii deg-degga ahaa ee ku yimid hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM